4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2016
Madaxweyne Xassan Sheekh oo socdaal siyaasadeed ku tagay magaalada Kismaayo
Image result for hassan sheikh mohamud

Isniin, December, 05, 2016 (HOL) -- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Wafdiga madaxweynaha oo ka anbabaxay magaalada Muqdisho ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan safarka uu ku tagay magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kulamo kala duwan kula qaadanayo madaxda maamul gobolleedka Jubbaland iyo xildhibannada labada aqal ee soo doortay.

Socdaalka madaxweynaha ayaa u muuqda mid qeyb ka ah olalahiisa doorasho, madaama uu magaalada Kismaayo uga horeeyay ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharm'arke oo kulan la yeeshay xildhibaannada labada aqal ku matallaya maamul gobolleedka Jubbaland, gaar ahaan waxaa uu ra'iisal wasaare Sharm'arke u sheegay xildhibaanadii uu la shiray in dalka u baahan yahay isbadal dhinac hogaanka ah, hadalkaa oo ka careysiiyay madaxtooyada Soomaaliya oo jawaab adag ka bixisay.

Siddoo kale, magaalada Kismaayo waxaa tagay musharax madaxweyne C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kulan la qaatay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Max'ed Islaam [Axmed Madoobe] iyo qaar ka mid xildhibaannada labada aqal ee dhawaan la soo doortay.

Lama oga waqtiga ay qaadan doonto booqashada madaxweyne Xassan Sheekh oo ah mid siyaasadeed, madaama dalku ku jiro xili kala guur ah oo musharax waliba xusul duub adag ugu jiro siddii uu ku hanan lahaa codadka ugu badan xildhibaannada federaalka ee madaxweynaha dooranaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya