4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2016
Isbitaal casri oo laga hergaliyay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

Isniin, December, 05. 2016 (HOL) - Isbitaalkan oo noqonaya mid casri marka la eego habka loo dhisay iyo adeegyada kala duwan ee uu bixinayo ayaa markii ugu horeysay laga hergaliyay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Munaasabada furintaanka oo lagu qabtay gudaha isbitaalka ayaa waxaa ka qeyb-gallay mas'uuliyiin kala duwan oo lagu martiqaaday sidda agaasimaha guud ee isbitaalka Beledweyne iyo waxgarad ka kala yimid deegaannada gobolka Hiiraan kuwaa oo dhamaantood u mahad celiyay cid kasta oo gacanta ka geysatay hergalinta isbitaalka oo wax weyn ka tari doona baahiyaha caafimaad ee ka jira degmada iyo deegaannada kale ee ka baxsan gobolka Hiiraan.

Agaasimaha guud ee isbitaalka Beledweyne Axmed Max'ed Khaliif oo hadal kooban ka jeediyay munaasabada furitaanka  ayaa ka mahad celiyay hergalinta isbitaalkan oo sidda uu sheegay ay u dhimeystiran yihiin adeegyadii loo baahnaa in isbitaal uu yeesho, gaar ahaan waxaa uu mahad ballaaran u jeediyay jaaliyada degmada Maxaas iyo hay'adda Tamkiin oo iska kaashaday dhismihiisa iyo in heerkan la soo gaarsiiyo.

''Waan ku soo wareegay waa isbitaal ay u dhimeystiran yihiin adeegyadii loo baahnaa oo dhan, waxaa uu fulinayaan qaliinnada kala duwan, waxaa ku dhameystiran agabkii caafimaad ee baritaannada kala gadisan lagu sameynayay, waxaan rajeynayaa  in uu dabooli doono baahiweyn oo ka jira degmada iyo deegaannada kale ee gobollada dhexe oo wixii hadda ka danbeeya adeeg caafimaad ka heli doona'' ayuu yiri agaasimaha isbitaalka Beledweyne,

Isbitaalka ayaa waxaa ka howlgala 24 shaqaalle ah oo uu ka mid yahay dhaqatarka guud, kuwaa oo intooda badan heer jaamacadeed ah.

Ka hor furintaanka isbitaalka degmada Maxaas waxaa ka jirtay dhibaato dadka degmada ay ku qabaan in ay hellaan adeeg caafimaad, gaar ahaan haweenka oo xiliga foosha intooda badan loo soo safrin jiray magaalada Beledweyne, taasoo sababta in qaarkood dhax ku dhinteen.

Ugu danbeyntii, inkastoo hadda meel wanaagsan la soo gaarsiiyay dhismaha iyo hergalinta isbitaalkan ayaa haddana dhinaca kale waxaa jira wali baahiyo kala duwan oo u baahan in wax laga qabto, iyadoo baaq guud loo dirray dhamaanba umadda Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan madaama adeegyada caafimaad ee uu bixinayo ay ka faa'ideysanayaan Soomaalida oo dhan .

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya