4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2016
Askari ku dilay garoonka diyaaradaha Muqdisho mid ka mid ah ergadii dooratay xildhibaan C/llaahi Goodax

/images/2016/Dec/
Isniin, December, 05, 2016 (HOL) -- Askari ka tirsan ciidammada dowlada Soomaaliya ayaa goor dhaw ku toogay afafka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho nin dhalinyarro ah oo lagu magacaabi jiray C/qaadir Cabdi Sheekh Cali oo sidda eheladiisa ay inoo sheegeen ka mid ahaa ergadii dooratay xildhibaan C/llaahi Goodax Barre.

Mid ka mid ah ehelada marxuumka oo HOL ay xiriir la sameysay ayaa sheegay in uu ka yimid dhinaca magaalada Jowhar, balse dilkiisa wax xiriir ah la laheyn arinta ku saabsan ka mid ahaanshaha argada.

''Saakay ayuu damacsanaa in uu ka dhoofo magaalada Muqdisho, hasse ahaatee ka hor inta uusan gallin gudaha garoonka,  ilinka hore ayeey  isku qabteen askari ka tirsanaa ciidammada dowladda oo ku amray in uu albaabka ka dhaqaaqo, hasse ahaatee waxaa uu u sheegay in uu yahay rakaab doonaya in uu ka dhoofo garoonka islamarkaana uu goobta ku sugayo qof kale oo ay qaraabo yihiin oo ka mid ah dadka garoonka ka dhoofaya, intaa kaddib askari kale oo aan aheyn kii ay murmeen ayaa naloo sheegay in uu gacanta ula tagay, kaddibna rasaas ku furay'' ayuu yiri mid ka mid ah ehelada marxuumka.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo arintan ay ka soo saareen laamaha ammniga dowladda federaalka, hasse ahaatee qofkan la hadlay HOL ayaa sheegay in lagu wargaliyay xariga askarigii toogashada geystay.

Ugu danbeyntii, marxuumka ayaa ka mid ahaa ardeyda ka baxday Jaamacada Plasma faraceeda magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya