4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2016
Wasiir Cadnaani oo ka hadlay Mas’uul Wasaaradiisa ka tirsan oo Xamar tagay & Jawaabta Mas’uulka


Isniin, December 05, 2016 (HOL) — Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cismaan Saxardiid Cadanni ayaa markii ugu horeysay ka hadlay maareeye ku xigeenkii Telefishanka Qaranka Mustafe Qodob oo ku sugan magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa Xusay in Maareeye ku xigeenka sameeyey Khaa'inul Qaran, isla markaaana ay tahay arri shakhsi oo aan cidna lagu eedeen Karin.

Balse, Maareeye ku xigeenkii Telefishanka Somaliland, Mustafe Maxamuud Qodob oo ka mid ah musharax xildhibaannada Muqsho ayaa sheegay in aanu jirin dambi uu ka gallay waddanka, isla maarkaana aanu wax sharcigu diidayo ku talaabsan, isagoo ku dooday in aanu wali ka hadal sababta uu u joogo Muqdisho.

Ugu horreyn Wasiirka oo masuulkaasi u baxday soomaaliya ka hadlaya waxa uu yidhi “War haddii uu isaga yahay iyo haddii nin kale uu yahayba, Ruux Xil haya oo dalka ka tagayna waxaan u aragna khaa’inul waddan inuu yahay, waa shakhsi gaar ah oo isagu arrintaas goostay, isla markiina mushaharkiisa waa la gooyey.”

Hase yeeshee, waxaa hadalka Wasiirka ka jawaabay Maareeyihii hore ee Telefishanka qaranka Mustafe Maxamuud Qodob oo ku sugan magaaladda Muqdisho, waxaanu sheegay in aanu jirin dambi uu ku noqdo khiyaamo qaran balse uu qofku meesha uu doono u muraad yeelan doonno.

Mustafe Qodax oo ka jawaabay hadalka wasiirka ayaa yiri. “Marna khaa’inul Waddan ma ihi, Haddii Muqdisho baa la tagay ay dambi tahay Qodobka sheegaya ha noo sheegaan, anigu Muqdisho waan tagay balse wali ujeedkii aan u tagay qofna uma sheegin waxay warbaahintu qortay marka laga yimaado qof cadeyn kara ma jirto, Xamarn waa dhul Soomaaliyeed oo kuwii shalay wasiiradda ka ahaa maanta halkan (Muqdisho) bay joogaan, kuwii halkan wax ka soo noqdayna Hargeysa xilal ka hayaan, marka Waa iska dacaayad riiqiis ah qofka yidhaa xamar waa dambiile qaran qofka tagga, anigu dambiile qaran waxaan u aqaanaa qofka maxkamada la soo taagay oo lagu xukumay qodobo sax ah oo ay cadahay wuxu qaranimadda Somaliland kaga hor yimid kaasi uun baan u aqaanaa dambiile Qaran.”

Mar uu ka hadlayey inuu wasiirka ka fasax qaatay iyo in kale waxa uu yidhi “Anigu wasiir kama fasax qaadan karo oo shaqaale madaxweyne ayaan ahay, haddii uu yidhi waan fasaxay waxba kama jiraan oo anigu nin digreeto madaxweyne ku yimid baan ahay, wada hadalna wuu na dhex marayaa qofka wada shaqayntu idinka dhexeysa oo waxaan ku idhi jabuuti baan u baxayaa laakiin fasax maan waydiisan anigu, marka dad aanu diyaaradda wada saarnayn oo ku socday meherka inanta aanu ilmaadeerta ahayn ee ina geelle Arab way jirtaa laakiin wax kale oo wasiirna na dhex maray oo fasax aan ka qaatay ma jirto haddii uu yidhina shaqadiisa ayaanu garanayn ”.

Ugu dmbeyntii, Musatafe Qodax ayaa la sheegay inuu Musharraxa u taagan xildhibaanimo Dowladda Soomaaliya, inkastoo aanu wali isagu ka hadal sababta uu Muqdisho u joogo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland