4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2016
RW ku xigeenka Somalia oo soo xiray shir-weynihii Labaad ee u Adkeysiga Aafooyinka (SAWIRRO)

Isniin, December 05, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XF Somalia, Maxamed Cumar Cate Qaalib, ayaa soo Gunaanaday shir looga tashanayay u adkeysiga afooyinka oo ay ka qayb-galeen, Hay’adaha Dowladda Somalia qaarkood, wakiilo ka socday maamulada Gobolada, Hay’adaha Samafalka iyo khabiiro dhanka beeraha iyo xoolaha ah.

Ugu horreyn la-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee dhanka u adkaysiga afooyinka, Cabdi Axmed Baafo oo soo qaban qaabiyey shirka ayaa sheegay in shirkaan qaybtiisii hore ay Soomaalidu si adag ugu hadashay sidii loo samayn lahaa isku xir guud inta aysan dhicin afooyyinku.

“Hal-ku-dhiga Sannadkaan aan dooranaya ayaa ahaa “Awood isugu gaynta barnaamijyo wax ka taraya abaaraha soo noq noqda” waana arin lagu farxo in maanta Soomaaliya ka tashanayso sidii loo samayn lahaa isku xir guud oo laga yeelanayo u adkaysiga afooyinka iyo masiiboyinka dabiiciga ah, shirka qaybtiisi hore waxaa ku kulmay wakiilada ka socday dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, waxaana isla garanay in lagama maarmaan tahay in wax weyn laga badalo sida loo shaqeeyo oo ah in lagu baraarugo masiibooyinka iyagoo dhacay, la-lana yimaado isku-xir guud iyo Diyaar-garow dhinaca u Adkaysiga Afooyinka ah,” ayuu yiri Baafo.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo ka soo qayb galay xirtaanka shirka ayaa sheegay in Sannadkaan dalka ay ka jiraan Abaaro aad u daran, oo Saameyn Lixaad leh ku yeeshay dadka iyo duunyadaba.

“Dalka waxaa ka jira Abaaro aad u daran daran oo muddo dheer soo laa-laabanayay, waxaa hada la qiyaasayaa in 50 % wax ka yar ay roobabku dalka ka da’ayaan, Xoolihii waxaa ka sii dhammaanaya baadkii, dadkana cuntada gaaabsi ku ah, markii sidaan wax u  dhacaan ayaan baraarugnaa, waxaa hada dolwadu wadaa qorshe qaran oo qayb ka ah ka hortaga afooyinka, abaartu markay dhacdo waxaa la samayn karaa gurmad, waxayna qaadanaysaa mudo sidii looga soo kabsan lahaa, waxaan loo baahan isku xirka dowlada faderaalka iyo dowlad goboleedyada, maanta waxaa muuqata in uu jiro isu soo dhawaansho dhanka wada shaqaynta ah” ayuu yiri RW ku xigeenku.

Ugu danbayntii shirkaan oo socday mudo sadex maalin ah ayaa gaba-gabdii laysku raacay:

  • In shirarka isku xirka maamulada iyo dowlada dhexe marba gobol lagu qabto, kan ugu horeeyana uu ka dhacco bisha Maarso magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle.
  • In sadexdii boloodba mar laysugu yimaado shir noocaan ah.In u adkaysiga afooyinka lagala xiriiro Wasaaraddaha Qorshaynta ee heer maamul goboleed iyo mid Federaal.
  • In Soomaalidu isku tashato oo miisaaniyadda ku baxaysa shirarkanoo kale ay bixiyaan maamulada gobolada iyo dowladda dhexe, si ay u noqoto wax Soomaalidu leedahay ah.
  • In Wasaaradaha Qorshayntu ee heer maamul goboleed iyo mid federal ay keenaan mashaariic qaran ee la xiriira u adkaysiga afooyinka.
  • In la dhiso awooda hay’adaha heer faderaal iyo heer maamul gooleed ee u adkaysiga Afooyinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya