4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 5 , 2016
Aqoonyahano Soomaali ah oo wacyi galin ka dhan ah tahriibka u tagay Masar

Isniin, Diseembar 05, 2016 (HOL)-Ayadoo ay soo badanayaan Soomaalida tahriibka ah ee doomaha ka raaca xeebaha Masar ayaa aqoonyahano Soomaali ah waxay wacyi galin ka dhan ah tahriibka u tageen dalkaasi Masar.

Soomaali badan una badan dhallinyaro ayaa dhawaan doomo ka raacay xeebaha Masar kuwaasoo qaar ay badda ku qaraqmeen. Masar ayaa waxaa u socdaala Soomaali u badan dhallinyaro kuwaasoo doonaya inay kasii safraan ayagoo inta badan nafafyaalkooda ku biimeeya badda.

Dadkaa aqoonyahanada ah ee wacyigalinta halkaa ujoogaa ayaa la filayaa in ay wax ka baddalaan fikradaha halista ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku doonayaan inay nafafyaalkooda ku halligaan.

Sanadkaan oo qura boqolaal ayaa galay Talyaaniga laakiin boqolaal ama xataa kumanaan ayaa badda ku haftay maadaama doomo jilicsan ay saarnaayeen kuwaasoo la buux dhaafshay.

Dadka badda ku dhintay ayaa doonayay inay galaan Yurub si ay nolol wanaagsan halkaa uga helaan laakiin waa wax aanan la hubin xataa inay ka helayaan nolol wacan Yurub.

Cid u xaqiijin karta inay Yurub ka helayaan waxa ay ku tamaniyayaan ayaan jirin maadaama Yurub iminka muhaajiriinta ay u caal weyday dhibaatooyin badan oo dhanka ijtimaaciga ahna ay ka jiraan.

Bishii Nofeembar ee sanadkaan oo qura weeye waxa IOM  ay tebisay in boqolaal muhaajiriin ah oo dalalka Afrika kasoo jeeda ay badda Liibiya iyo Talyaaniga u dhexeysa ay ku wafaadeen.

Badda Masarna waxaa ku dhintay muhaajiriin ay Soomaali kujireen halka Soomaali badana burcad qawleysato ah ay kalyaha iyo xubno kale oo jirka ah ay kala baxeen.

19kii Nofeembar dooni ayaa markii ay dagtay kadib waxaa lasoo helay meydadka 133 qof oo muhaajiriin ahaa badda Burqa Rashiid, Degmada Rosetta, oo u jirta 250km Qaahira. 

Isla waqtigaa ayaa IOM ay sheegtay in ilaa 3200 oo muhaajiriin ah ay ku dhinteen badda Mediterranean oo qura sanadkaan 2016.

Waxaa jiray war naxdin leh oo muujiyay qoys dhan oo aabe, hooyo iyo carruurtood ka koobnaa oo xubnaha jirkooda si arxan darro ah loola baxay dalkaasi Masar.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]