4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2016
PUNTLAND: Taliyaha Booliska oo Mamnuucay in Garoommada lala yimaado Waardiye iyo Hub

Axad, December 04, 2016 (HOL) — Taliyaha Booliska Puntlnd Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo ku sugan Boosaaso, ayaa Maanta la kulmay Maamulka garoonka diyaaradaha iyo Madaxda Laamaha Amaanka Boosaaso, isagoo amar ku bixiyay in Garomada Diyaaradaha ee Puntland aan lala imaan karin Waardiye iyo Hub.

Kulankaan, ayaa ujeeddadiisa lagu sheegay wargalinta qoraal Taliska booliska Puntland uu ku mamnuucayay in Madaxda Puntland ee aanan ahayn Madaxweynaha,ku Xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka aysan Garoonka Boosaaso la soo galin karin Ilaalo iyo Hub.

Taliyaha Booliska Puntland Jen. Ereg ayaa laamaha Ammaanka ee Garoonka Diyaaradaha Bossaso amray in Amarkaas siduu yahay u fuliyaan,Maadama Garoonku yahay halka laga Akhrisanayo Amniga Dalka.

Sidoo kale, Jen. Erag ayaa xusay in golayaasha Puntland uu sida ugu dhaqsiyaha badan ugu gudbin-doono qoraalka ku mamnuucayay in garoonka madaxda maamulka ee aanan ahayn mas’uuliyiinta Sare ay la yimaadan Waariyaal,kuwaaso uu sheegay in cabsi galin karaan dadka ka so dagaya Garoonka Caalamiga ah ee Bossaso.

Dhinka kale, Taliyaha Booliska Puntland ayaa Kormeer ku tagay Saldhigyada Mijir iyo Baalade oo ka mid ah saldhigyada Bossaso, isagoo markaas kaddib booqday Xarunta Wasaarada Maaaliyada Puntland oo ku taala Magaalada Bossaso ee Xarunta Gobalka Bari.

Ugu dambeyn, Taliyaha Booliska Puntland Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa sheegay in u siiwadi-doono Tirakoobaka Ciidamada Booliska Puntland ee uu u yimid Gobalka Bari iyo Isfahsiinta Laamaha Amaanka  iyo Shacabka Gobalka Bari.