4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2016
MAAMULKA KHAATUMO: Dil iyo Xarig toona Uga baaqan Mayno Hawlaha Gurmadka Abaaraha


Axad, December 04, 2016 (HOL) — Maamulka Khaatumo ayaa si adag uga jawaabay laba mas'uul oo shalay lagu xidhay magaalada Laascaanodd ee Xarunta Gobolka Sool kana mid ahaa Guddigii Abaaraha ee loo magacaabay Gobolka iyo Nawaaxigiisa.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Abshir C/casiis ayaa xusasy in Maamulka Khaatumo uusan ku joojin doonin Hawlaha Samata-bixinta Abaaraha Dil iyo Xadhig Toona oo ay ku talo-galeen si kasta oo ay deeganada dadkoodu ku sugan yihiin ay u Gaadhsiin lahaayeen Hawlaha Gurmadka.

''Dad wax-ma-garad ah oo calooshood u shaqaystayaal ah, ayaa shalay ku xiray magaalada Laascaanood Laba Xubnood oo ka tirsan Guddiga Abaaraha ee Heer Qaran ah, Mana jirto Dowlad kale oo ugu soo gurmanaysaa abaaraha tan ay leeyihina Waa Khaatumo,'' ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha ee Maamulka Khaatumo.

Sidoo kale, Abshir C/casiis ayaa xusay in guddiga abaaraha uusan ku koobnayn Magaalada Laascaanood ee uu ka hawl-galay Tuulo, Dagmo iyo Magaalaba intii uu Maamulkiisu ka kooban yahay, sidoo kale wuxuu xusay in xubnaha loo diray deegaannada kala duwan ay ku amni yihiin sida hawl-kar-nimada ah ee ay u guteen Waajibkooda.

Mar wax laga waydiiyay Wasiir ku xigeenka in Tallaabadaan ay wax u dhimi doonto iyo in kale wada hadalda labada dhinac ee Khaatumo iyo Somaliland, ayuu sheegay in aysan wax saamayn ah ku keeni doonin.

Ugu dambeyntii, Sheekh C/raxmaan Xaaji Mahad iyo C/llaahi Jaamac Diriye ayaa wali ku jira xabsiga Magaalada Laascaanood, iyadoo aysan Wax Faah-faahin ah illaa hadda kasoo yeedhin dhinaca Somaliland.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online.
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool