4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2016
Wararkii ugu danbeeyay dagaal ka dhacay deegaanka Qandala oo ay la wareegeen ciidammada Puntland

Axad, December, 04, 2016 (HOL) -  Wararka ka imanaya gobolka bari ayaa sheegaya in ciidammada dowlad gobolleedka Puntland dib ula wareegeen gacan ku heynta degmada Qandala, kaddib dagaal culus oo ay la galleen maleeshiyaad daacad u ah ururka Daacish.

Ciidammada oo dhowr jiho ka wareeray degmada ayaa u suurtashay in ay gudaha u gallaan kana saaraan halkaa dagaalamayaasha Daacish oo bishii October ee ina dhaaftay la wareegay gacan ku heynteeda.

Ciidammadan la wareegay Qandala ayaa taageero weyn ka hellay ciidammada badda Puntland oo duqeyn iyo madaafiic la sheegay in ay ku gaaraaceen degmada qasab ka dhigtay in ay dib uga gurtaan xoogaggii halkaa ku sugnaa.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan iyadoo inta badan dadkii ku noolaa magaalada Qandala isaga barakaceen kaddib markii ay la wareegeen maleeshiyaadka Daacish.


Dagaalka maanta ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee si toos ah u dhaxmara ciidammada Puntland iyo kooxaha sheegtay in ay ku xiran yihiin Daacish ee ka dagaalama qeybo ka mid ah Puntland.

Ugu danbeyntii, Puntland ayaa marka la eego wajaheysa khatar badan oo uga imaneya dhinaca xoogagga ku abtirsada Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah deegaannada maamulka, kuwaa oo marar badan oo hore soo dirray fariimo hanjabaado ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya