4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 4 , 2016
Masuuliyiin dawlada Somaliland katirsan oo xilalkii loo magacaabay iska casilay


Axad,Diseembar 4,2016 (HOL)- Illaa afar masuul oo loo magacaabay xilal kala duwan ayaa ka cudur daartay inay xilalkaasi loo magacaabay qabtaan, kuwaas oo sheegay in xilkaasi loo magacaabay aan lagala tashan, sidaas darteedna waxay iska casileen xilalkii loo magacaabay.

 

Masuuliyiinta saluugay xilalka loo magacaabay ee boosaskii loo soo dooray diiday inay qabtaan waxa ka mid ah jagadda cusub ee wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Khadar Yuusuf Cabdilaahi, Badhasaabka gobolka cusub ee gobolka Maroodi jeex Maxamed Axmed Caalim Timbiiro,  Wasiir ku xigeenka wasaardda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud iyo wakiilka Jabuuti u fadhiyi doonna Somaliland Cabdifataax Siciid.

 

Afartan masuuluun ayaa gabi ahaanba sheegay in xilalkaasi loo magacaabay aanay ku qanacsanayn xilalkaasi loo magacaabay.

Wasiirka cusub ee wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska oo loo magacaabay Khaddar Yuusuf Cabdilaahi ayaa sheegay in aanu xilkaasi doonayn inuu qabto, balse uu jecel yahay inuu qaranka u shaqeeyo, haseyeeshee aan xilkaasi cusub aanay madaxweynaha isku ogayn in loo magacaabo.

 

Badhasaabka gobolka Maroodi jeex Maxamed Axmed Caalim Tiimbiro ayaa isna qawaday in xilkaasi loo magacaabay waxaanay wararku sheegayeen inuu loolan ugu jiray in wasiir loo magacaabay, haseyeeshee markii xilkaasi aanu rabin loo magacaabay wuu ka cudur daartay.

 

Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud oo loo magcaabay wasiir ku xigeenka wasaarada kaluumaysiga  oo isagu wadanka dibadiisa ayaa isna sheegay in aanu xilkaasi loo magacaabay aanu qaban doonayn kana cudur daartay.

 

Agaasimihii hore ee dawladaha hoose ee arrimaha gudaha C/fataax Siciid oo loo magacaabay wakiilka Somaliland u fadhiyi doonna Jabuuti ayaa isna sheegay in aanu xilkaasi qabanayn, isla markaana iska casilay xilkaasi.

 

Masuuliyiinta ka cudur daartay ayaa wararku sheegayaan in xilalkaasi hadda loo magacaabay aanay u qorshaysnayn in loo magacaabo, balse xilal kale ay iyagu danaynayana taasina ay keentay inay ka cudur daartaan, wallow ay danaynayaan in xilal kale oo kuwan ay diidan ka duwan loo magacaabo .

 

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.