4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2016
Ciidammada Puntland oo la wareegay gacan ku heynta degmada Qandala

Axad, Diseembar 04, 2016 (HOL)-Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay dib uga qabsadeen magaalo xeebeedka Qandala jabhada Daacish ee bishii hore halkaa qabsatay.

Ciidamada Puntland ayaa tan iyo shalay kula dagaalamayay Daacish Qandala iyo nawaaxigeeda. Hase ahaatee maanta ayay ciidama Puntland sheegeen inay Qandala la wareegeen.

Taliyaha ciidanka badda ee Puntland kolonel C/Naasir Caynab Cali [Xaayow] ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay qabsadeen Qandala.

Dagaalyahanadaasi Daacish ayaan soo saarin wax faahfaahin ah durba taasoo kusaabsan dagaalka.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]