4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2016
Shirkada Amal Group 30-kun oo dollar ku Wareejiyay Gurmadka Abaaraha Puntland (SAWIRRO)

Axad, December 04, 2016 (HOL) — Shirkada Amal Group oo ah Shirkadaha ka Hawlgala Puntland ka mid ah, ayaa Maanta Guddiga Abaaraha Puntland ugu Yaboohay 30,000 oo Doollar, Lacagtaas oo Biyo-dhaamin iyo Taakulayn loogu samaynayo Dadka Abaarha ay ku dhufteen ee ku nool Deegaannada Puntland.

Munaasbadda ka dhacday Garoowe oo Shirkadda Amal Group at lacagtan kula wareejisay Guddiga Abaaraha Puntland ayaa waxaa Goob-joog ka ahaa; Wasiirro ka tirsan Puntland, Culummaa’udiin iyo Masuuliyiinta ugu sareeya Shirkadda Amal.

Saciid Cajab oo ka mid Madaxda Shirkadda Amal Group oo Madashaas hadal ka jeediyay ayaa Xusay in Guddiga Sare ee Shirkada ay go’aansadeen bixinta 30-ka kun ee Doollar iyo in Khidmad la’aan dadku ay lacagaha ugu so  diri karaan Accoun-ka Guddiga Abaaraha ay ka furteen Shirkadda Amal Group.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo isagana ka mid ah Guddiga Abaaraha ee Puntland oo lacagta kala wareegay Amal Group, ayaa sheegay in lacagtaas ay gaarsiin doonan goobaha ay ku sugan yihiin dadka ay saameynta culus ku yeesheen Abaaraha.

Wasiiradda Cadaaladda iyo Waxbaradaha Puntland, Dr. Abshir Ow-Yuusuf iyo Saalax Xabiib Jaamac, ayaa Shirkadda Amal ugu Mahad-celiyay Deeqadaan lacageed ee ay ugu talo-galeen Gurmadkaa Abaaraha Puntland.

Dhinaca kale, Suldaan Cabdul-Qani Maxamed Qorane oo ka mid ah Guddiga Abaaraha ee Puntland, ayaa Warbaahint u Akhriayay Shirkado iyo Shaqsiyaad Lacagahan ugu Deeqay Guddiga Abaaraha Puntland, Waxaana ka mid ah shacabka magaalada Boosaaso kuwaasoo Masjidka Rowda iska ururiyay lacag dhan 450 Doollar.

Ugu dambeyn, Deeqdaan Lacgeed ee Shirkadda Amal ku wareejisay Guddiga Abaaraha Puntland, ayaa qayb ka ah Gurmad loo Sameynayo Bulshada ay Abaaruhu Saamaynta daran ku yeeshen ee ku nool Deegaannada Puntland.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya