4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2016
SAWIRRO: Beelo Reer Waqooyi ah oo kasoo Hor-jeestay Sida loo Maamulay Kuraastii ay lahaayeen

Axad, December 04, 2016 (HOL) — Odayaasha-dhaqanka ,Wax-garadka iyo Siyaasiyiinta Saddex beelood oo ka mid ah Beelaha Wuqooyiga Somalia ka soo jeeda, ayaa si weyn ugu soo Hor-jeestay qaabka ay Xubno kasoo jeeda Beesha Isaaq u Maamuleen Kuraastii ay ku lahaayeen Aqallada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Wax-garadkan oo kasoo kala jeeda; Beelaha Guda-biirse,Ciise iyo Faqi-shinni, ayaa waxay ku eedeeyay Shan xubnood oo ka mid ah Toddobada Xubnood ee Guddiga Fulinta Aqalka sare ee baarlamaanka ee Gobollada Waqooyi at ka kooban yihiin ay Musuq-maasuqaan ku kaceen.

Sidoo kale, Odayaashan iyo Wax-garadkan oo la hadlayay Warbaahinta, ayaa sheegay inay Shantaas Xubnood diideen in wax Wada-tashi ah la yeeshaan Xubnaha kale ee kasoo jeeda beelahan, Iyagoo xusay in Liiska Musharraxiinta Aqalka Sare ee Beelaha Reer Wuqooyiga Somalia ay iskood u gudbiyeen.

“Falkan wuuu Xad-gudub ku yahay shuruucda doorashooyinka, dastuurka dalka, xuquuqda iyo sharafta beelaha wax wada leh,“ ayay ka sheegeen siyaasiyiinta iyo wax-garadka kulan ay Muqdisho ku yeesheen.

Ugu dambeyn, Waxay Xuseen inuu Fashil ku yimid Musharraxiintii Xubnaha Aqalka Sare ee Beelahan, iyagoo isku-raacay in fiilkan uu yahay mid qalad ku ah hanaanka doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya