4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2016
Somaliland: Majiraan wax masuuliyiin ah oo nooga qeybgalaya doorashada Soomaaliya

Axad, Diseembar 04, 2016 (HOL)-Xukuumada jamhuuriyada goonida isu taagtay ee la magac baxday Somaliland ayaa sheegtay in wax masuuliyiin ah aysan uga qeybgaleyn doorashada Soomaaliya.

Xukuumada jamhuuriyada goonida isu taagtay ee la magac baxday Somaliland ayaa sheegtay in Somaliland ay tahay dal gaar ah isla markaana aysan ka tirsanayn Soomaaliya sidaana aysan uga qeyb qaadaneyn doorashada Soomaaliya.

Waxay intaa ku dartay in dadka kasoo jeeda Somaliland ee Soomaaliya ka qeyb qaadanaya doorashadeeda aysan ahayn kuwo matala Somaliland balse iskood uga qeyb galaya doorashadaa.

Jamhuuriyada goonida isu taagtay ee la magac baxday Somaliland ayaa shaacisay inay ka go'day Soomaaliya sanadkii 1991 kadib markii la afgambiyay dawladii kacaanka ee militariga ee uu madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]