4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 4 , 2016
Xoogaga Puntland oo sheegay inay 7 kadileen Daacish

Axad, Diseembar 04, 2016 (HOL)-Xoogaga Puntland ayaa sheegay inay 7 dagaalyahan kadileen Daacishta Qandala.

Shalay mar ay ku dirireen tuulada Bashaashin oo Qandala u jirta 34km ayaa ciidamada Puntland ay kadib sidaa sheegeen. Tan iyo bartamihii bishii Nofeembar ayaa dagaalyahano sheegay inay yihiin Daacish ay heysteen Qandala.

Intaa kadib waxaa magaaladaa isaga barakacay dadkii halkaa daganaa oo dhan ayagoo silic iyo nolol xumo kala kulmay meelihii ay u qaxeen.

Shaly ayaa tuulada Bashaashin waxaa isku fara saaray ciidamada Puntland iyo dagaalyahanadaa kadib markii ciidamada Puntland ay weerar soo qaadeen.

'Waxaanu dilnay todobo dagaalyahano oo Daacish ah qoryihiina waanu ka furanay. Hada tuulada ayaan ku suganahay'. Sidaa waxaa sheegay kabtan  Maxamed Saciid oo ah madaxa ciidamadaa Puntland.  

Wuxuu intaa ku daray in saddex askari oo ciidamada Puntland ka tirsan ay dagaalka ku dhaawacmeen. 

Dagaalyahanada Daacish ayuu sheegay intaa kadib inay dib ugu gurteen buuraley ka dambeysa tuulada.

Wuxuu kaloo sheegay inay eryan doonaan Daacish ilaa ay ka xoreeyaan Qandala. 

Dagaalyahanadaa ayaa waxaa hoggaamiya nin lagu magacaabo C/Qaadir Muumin.

C/Qaadir Muumin ayaa al Shabaab sanadkii hore kagoostay sheegayna inuu taabacsan yahay Daacish oo ka dagaalanta Bariga Dhexe.

Dagaalyahanadaa ayaan soo saarin wax faahfaahin ah durba taasoo kusaabsan dagaalkaa shalay dhacay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]