4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2016
Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay dulleedka Muqdisho
Sabti, December, 10, 2016 (HOL) -  Warar dheerad ah ayaa ka soo baxay weerar ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee dulleedka magaalada Muqdisho, kaa oo lagu bartilmaameedsaday barkoontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowlada federaalka.

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarka kaddib markii ay siyaabo kala duwan uga hadleen dowladda federaalka iyo Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyad weerarka.

Saraakiisha ciidammada nabad-sugida ayaa sheegay in gaariga uu qarxay xili baaritaan lagu hayay, waxaana goobta ku dhintay sidda ay saraakiisha sheegeen askari ka tirsanaa ciidammadii joogay barta-kootarool iyo qofkii wadday gaariga qarxay.

Hasse ahaatee war ka soo baxay dhinac Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana ku dileen ilaa 9 askari oo ka tirsan nabad-sugida Soomaaliya.

Taliska hay'addaha nabad-sugida ayaa war ah galabta soo saareen ku sheegay in gaariga is qarxinta geystay lagu soo xiray Taarikada Soomaaliland, taasoo ay ku tilmaameen mid la doonayo in leysaga horkeeno bulshada labada dhinac.

Ugu danbeyntii, gaariga is qarxinta geystay ayaa lagu waramyaa in uu ku sii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho, hasse ahaatee lagu joojiyay barta-koontarool ee uu qaraxa ka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya