4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2016
Wasiiro shaqada uga tagay musuq maasuq ka jira doorashada xubnaha aqalka hoose
Sabti, December, 10, 2016 (HOL) -  Labo wasiir oo ka tirsanaa dowlad gobolleedka Galmudug ayaa tagay xilalkii ka hayeen maamulka, kaddib markii sidda ay sheegeen ay u adkeysan waayeen musuq -maasuq lagu sameeyay doorashada xubnaha aqalka hoose.

Wasiiru dowlihii caafimaadka dowlad gobolleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta sheegay in uu isaga tagay xilkii uu ka hayay maamulka, kaddib markii sidda uu hadalka u dhigay musuq maasuq iyo boob cad lagu sameeyay doorashadii maanta ka dhacday degmada Cadaado

Doorshadan uu ka cabanayo wasiirka ayaa waxaa ku soo baxay C/shakuur Cali Mire, isaga oo sheegay in xildhibaanka soo baxay iyo musharixii la tartamayay labada aheyn jifadii laheyd kursiga lagu tartamay, isaga oo arintaa ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen mas'uuliyiinta sare ee maamulka Galmudug.

Siddoo kale, waxaa galabta iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka wasiir ku-xigeeenkii wasaarrada Maalgashiga iyo Jaaliyadaha C/salaan Ibraahim Faarax oo sheegay in uu shaqada uga tagay musuq musuq lagu sameeyay kursi ay beeshiisa laheyd.

Is casilaadan ayaa imaneysa xili tan iyo markii ay bilaawdeen doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee dalka soo baxayeen kiisas la xiriira in la musuq maasuqay kuraasta qaarkood, waxaana la sheegay in gobollada qaar la adeegsaday awood ciidan, sidda ay horayba u sheegeen guddiga doorashada federaalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya