4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 10, 2016
Mashruuc cawimaad dhanka sharciga ah oo ka socda Islii Nairobi

Sabti, Diseembar 10, 2016 (HOL)-Maanta ayaa ayadoo maalinta xaquuqul insaanka ay tahay waxaa lagu soo beegay xarig ka jaridda ama daah furida mashruuc cusub oo si qarash la'aan ah uga caawinaya Soomaalida dhanka arimaha sharciga.

Mashruucaa ayaa waxaa laga furay maanta xaafada Soomaalida badan ay ku nool yihiin ee Islii ee caasimada Kenya ee Nairobi. Waxaa mashruuca wada hayada Northern Advocacy Organization oo ah hayad ka shaqeysa xaquuqul insaanka iyo arimaha u ololeynta dadka dalkaan Kenya.

Ayagoo soo bilaabay ololeha mashruucaa asbuucii hore ayaa hadana maanta si rasmi ah loo daah furay mashruucaa oo qareeno Soomaaliyeed oo heyadaa ka tirsan ay wax ka wadaan.

Safaarada Soomaalida ee Nairobi Kenya ayaa iyana abaabulka mashruucaa ka qeybqaadatay.

Mashruuca ayaa waxaa aad loogala talinayaa Soomaalida iyo dadkii kale ee u baahan dhanka sharciga gaar ahaan xaquuqul insaanka aasaasiga ah, dib u noqoshada qaxootiga si iskood ah, diiwaangalinta qaxootiga , guriyeynta, arimaha dhulka iyo lahaanshiyaha dhulalka iyo xaquuqda hantida iyo amuuro kale.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]