4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 10, 2016
Muqdisho: Qarax labo qofi ku dhinteen


Sabti, Diseembar 10, 2016 (HOL)-Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay qarax loo adeegsaday gaari lagu soo xiray walxaha qarxa meel u dhow Muqdisho maanta.

Labada qof ee dhintay ayaa ka tirsanaa booliska Soomaaliya kuwaasoo ku sugnaa bar koontarool. Afar kale ayaa dhawaac ah kuwaasoo iyana booliska ka tirsan.

"Dambiileyaashu mar kale ayay soo qaadeen weeraradooda fulaynimo. Markaan waxay weerareen bar koontarool oo kutaal siinka dheer ee dibada ka ah Muqdisho." Cumar Xalane oo ah afhayeenka maamulka Banaadir ayaa sidaa u sheegay warbaahinta.

Xarakada Alshabaab ayaa sheegtay in mid ka mid ah askarteeda uu weerarkaa qaraxa ah qaaday.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]