4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2016
Labo haween ah oo isku soo xiray walxaha Qarxa oo isku Qarxiyay suuq ku yaal Nigeria

/images/2016/Dec/
Sabti, December 10, 2016 (HOL) —Ugu yaraan 31 qof ayaa ku geeriyooday qarax xoogan oo ka dhacay goob suuq ah oo ku taala dalka Nigaria ,iyadoo qaraxan ay fuliyeen labo dumar ah oo isku soo xiray waxyaabaha qarxa sida laga soo xigtay afhayeen u hadlay milatariga Nigeria.

“Labo qof oo Dumar ah ayaa isku qarxiyay gudaha suuq ay dad badan ku sugnaayeen “ ayaa lagu yiri qoraal la soo galiyay twitter-ka hay’adda gar-gaarka deg-deg-ga ah ee dalkaas waxyar ka dib markii uu qaraxu dhacay.

Dad ku sugan magaalada uu qaraxan ka dhacay oo lagu magacaabo Madagali oo ka tirsan ismaamulka Adamawa ayaa sheegay in qaraxan uu sababay khasaare dhaawac oo aad u tira badan.

“Ciidamada amniga ayaa hadda gacanta ku haya halka ay wax ka dhaceen , ma jiraan khataro dhinaca  amniga ah xiligan la joogo “ ayuu yiri afhayeenka milatariga dalkaas Maj. Badare Akintoye oo la hadlay warbahinta gudaha.

Madagali ayaa xad la leh maamul goboleedka Borno ,waana halka ay ka soo if baxeen kooxda Boko Haram ,waxaana magaalada ka jiray qaraxyo iyo afduubyo ,tan iyo markii malatariga uu la wareegay sanadkii 2015.

Ugu danbayn ,odayaasha deegaanka uu qaraxa ka dhacay ayaa dowladda ugu baaqay in ciidamo dheeraad ah la keeno kaymaha Sambisa oo ku  dhow magaalada la weeraray ,waxaana la aaminsan-yahay  in halkaas ay saldhigyo  ku leeyihiin Boko-Haram.

Faysal M. Hassan
[email protected]