4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 10, 2016
Wasiirka Warfaafinta Somalia Maareeye oo ku guuleystay Doorashada Xubnaha Aqalka HOOSE


Sabti, December 10, 2016 (HOL) — Wasiirka Warfaafinta Somalia Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa ku guuleystay kursiga xubnaha Aqalka Hoose ee Gobollada Waqooyiga Somalia oo doorashadoodu ay ka socota Muqdisho.

Wasiir Maareeye ayaa kusoo baxay codad gaaraya 51, iyadoo musharraxii la tartamay oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cumar uusan helin wax cod ah, taasoo ka dhigaysa Maareeye musharraxii ugu horreeyay oo codad dhameystiran ku soo baxa doorashada ka socota Muqdisho.

Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Gobollada Waqooyiga ayaa weli kasii socota Muqdisho, iyadoo lagu wado in dhawaan lasoo dhameystiro, lana soo doorto dhammaan xildhibannada laga doonayo Gobollada Waqooyi ee dalka.

Ugu dambeyn, Doorashadan ayaa waxaa horay ugu soo baxay xubno uu ka mid yahay RW ku xigeenka Somalia, Maxamed Cumar Carte, inkastoo ay jirto cabsho ku aaddan doorashadan oo kasoo baxaysa Waxgaradka kasoo jeeda Gobollada Waqooyi, kuwaasoo ku andacoonaya in fargelin lagu hayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya