4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 10, 2016
Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Ghana Nana Akufo-Addo oo ku Guuleystay Doorashada Ghana


Sabti, December 10, 2016 (HOL) — Hogaamiyaha Mucaaradka Dalka Ghana, Nana Akufo Addo ayaa ku Guuleystay Doorashadii Madaxweynenimo ee ka dhacday Dalkaas. waxayna ahayd Doorashadu mid Adag oo aad la isugu dhawaa.

Kaddib, markii natiijada doorashadda lagu dhawaaqay ayaa tageerayasha Mr Akufo-Addo waxay isugu soo baxeen Waddooyinka Caasimadda Ghana ee Accra si ay u dabaal-degaan guusha.

Sidoo kale, Madaxweynaha la doortay Akufo-Addo ayaa Ballan-qaaday inuu Waxbarasho lacag la'aan ah oo dugsiyada Sare ah iyo Warshado faro badan ka Hir-gelin doono Dalkaas. Balse Dadka wax naqdiya ayaa su’aal ka keenay Hamigiisa cusub.

Ugu dambeyn, Dalka Ghana waxay muddo badan ahaa waddan dimuqraaddi ah oo xisbiyo badan ay ka dhisan yihiin, iyadoo doorashadan ay ahayd middii ugu adkeyd ee sannadihii u dambeeyay ka dhacda dalkaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya