4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 10, 2016
SAWIRRO: Waligey tanoo kale ma Arag: Dhambaal ka yimid Dhakhtar ka Shaqeynayay Suuriya

Sabti, December 10, 2016 (HOL) — Iyadoo Dadkii Nugulaa ee Magaalada Xalab Maalintii Arbacada ahayd laga Raray Gurigii Hore ee Dadka da'da ah ee ku dhaw furinta dagaalka ee Magaalada, Dhakhtar ka Tirsan Hay'adda Laan-qayrta Cas oo Qayb ka ahaa Daad-guraynta dadkaas ayaa BBC wuxuu u soo diray waraaqdan.

Anigoo dhakhtar ahaan ugu shaqeynaya hay'adda Laan-qayrta Cas ee Caalamiga ah ICRC Waxaan ku arkay wax badan Suuriya Shantii Sano ee la soo dhaafay, laakiin maan arag tan mid la mid ah.

Waxaan isku daynay innaan gaarno bartamaha , waayo ma aynnan helin Damaanad Qaad amni oo muhiim ah. Dagaalku wuu Xooggannaa. Saddex Ruux oo ku sugnaa Xarunta ayaa dhintay xilligaas.

Haddii aynnu heli lahayn ogolaanshiyo aynnu ku aadno guriga dadka Waayeelka, kaasi oo noqday gabaad illaa 150 qof, qaarkood waa naafo, Qaarkood ayaa madaxa looga jiraa, inta kalana waa dad welwelsan oo aan aqoon jiho ay u dhaqaaqaan.

Annaga, Ururka bisha Cas ee Dalka Suuriya iyo ICRC waxaynnu halkaasi u joognay inaan ka wadno dadkaasi Bariga magaalada Xalab.

Waxay ahayd goor Gudcur ah oo aynu ku Soconnay jidadka Cariiriga ah ee Magaaladaas Qaddiimiga ah, Waan Aqiin, Deegaankaan dagaalka ka hor, waxay ahayd meel camiran oo kobcaysa.

Hadda, Magaaladaas Waa mid dukum-daakum ah. Jidadka ma Aqoonsan karo, iskaba ilow Dhismayaasha. Magaalo Bahallo galeen oo Sida dhagixii u Bur-burtay, Meel Adduunku ku dhamaaday, sida caro burqatay.

Dhawaaqa rasaasta cabsida leh ayaa meel dheer laga maqlayaa, ma jiro wax buuq ah, dad ma joogo. Waa inaynu xoogaa lugaynnaa ilaa ugu dambayn dhamaadka, waayo gawaaridu ma Gudbi karaan. Meel halkaas ah Waxaa ka muuqdaL laba guri oo Bur-bursan. Mid Waa ragga, midnna waa haweenka.

Waxaan galay dayrka. Koox ka mid ah bukaanka oo ay rasaasi haleeshay baa jooga Waxay xirnaayeen dhar yar, wayna Gariirayeen. Qaar ayaa Jahwareersanaa waxay ahaayeen kuwo aad isagu dhaw mid-ba midka kale ayuu garabka ku hayay, Hareerahooda ayay eegayeen, iyagoo isku dayaya mid-ba kan kale uu ku Xasilo. Dhinaca kale Waxaa yaallay Maydad, waxaa laga yabaa ilaa tobaneeyo.

Waan aqiin ninka xarunta maamula, waynnu la kulanay, waxaynnu ogaanay in gabi ahaaba qoyskiisii ay geeriyoodeen sadex maalin ka hor: Waxaa ka mid ahaa; Xaaskiisii, Wiilkiisii iyo wiil uu awoowe u yahay . Halkan ayuu keenay qoysiisa waayo wuxuu is lahaa ma jirto cid Weeraraysa xaruntan. Meydka dayrkaa yiillay Qaarkood waxay ahaayeen Xubnihii qoyskiisa.

Xarunta gudaheeda 18 qof ayaa doonaya inay joogaan waayo ma haystaan meel ay aadaan. Waxaan rajeynayaa innaan dib ugu laabto oo aan u wax uun caawimaad ah u fidi

Cutub Cusub Dagaalka Ahliga ah:

Dadkan waxay nolashooda ku waayeen dagaalkan foosha xun kaasi oo aannay shaqo ku lahay, oo aysanna go'aansan inay ka qayb qaataan. Waa kuwa ugu nugul dadka nugul. Mana jirto cid badbaadisay.

Tani ma ahan kumaa saxan iyo kuwaa qaldan, kumaa guulaysanaya iyo kumaa guuldaraysanaya. . Tani waxay ku saabsan tahay dadka, jidh iyo dhiig, aadanaha. Dhiigbax, dhimanayaan, loo dhigay Agoonta, maalin kasta. Waxa laga hadlayaa waa jirka iyo dhiigga, Bini'aadam ayaa dhiig baxaya, waxaa laga dhigayaa waalid la'aan maalin kasta.

Ugu dambeyn, Waxaan Dareemayaa Murugo aad u badan maanta. Fadlan dagaalku waa inuu xad-yeeshaa.

XIGASHO: BBC

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya