4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2016
Qoysas abaarta saameysay oo raashin iyo biyo loogu qeybiyay degmada Xuddun ee gobolka Sool

Sabti, December, 10, 2016 (HOL)  - In ka badan 1000 qoys ayaa raashin iyo biyo loogu qaybiyey degaano kala duwan oo ka mid ah degmada Xudun ee gobolka Sool.

Deeqdan oo isugu jirtey Bariis, Daqiiq, Saliid, Timir iyo agabyo kale ayaa waxaa dadka abaaruhu saameeyeen ugu deeqay hay'adda Revival Of Islamic Heritage Society oo laga leeyahay dalka Kuweyt.

Bashiir Axmed Xayir oo ku sugnaa Tuulada Darayo-Geesa-Weyn oo Xuddun kaga beegan dhinaca koonfur Barri hilaadana u jirta 30Km ku dhowaad ayaa HOL u sheegay in ay maanta halkaas ku qaybiyeen 150 qoys raashin ay ugu tala galeen.

"Magaalada Xuddun waxaan ku qaybinay in ka badan 700 halka degaano kale oo u dhowna aan ilaa 400 ku qaybinay" ayuu yidhi Bashiir Axmed Xayir waxaanu sii raaciyey in ay magaaladda God-aalo iyo degaano u dhow oo degmada Taleex ka tirsana raashin 400 gaadhay ay gaadhsiiyeen.

Sidoo kale waxaa barbar Socdey biyo loogu talagalay in ay dadku cabaan oo ay Hay'addu gaadhsiisey degaano kala duwan sida uu Bashiir sheegay maadaama ay aad u adkaadeen biyaha ceelasha ee deganadaasi loogana baqay inay xanuuno ka dilaacaan.

Xaaladda Abaareed oo ka sii daraysa ayaa waxaa iyana soconaya gurmadyo kala duwan oo ka imaanay Hay'addo, Maamul, iyo Dadweynaha qurbaha iyo kuwa gudahaba.

Degmada Xuddun ayaa haatan waxaa ku soo barakacay sida uu noo sheegay Maxamed Jaamac Mahad boqolaal qoys iyadoo ay maalin kasta haatan soo galaan sida uu sheegay in ka badan 10 reer maalinba maalinta ka danbaysana ay sii kordhayaan.

Ma jiraan cid si sax ah ula socota baaba'a iyo barakaca ku imaanay dadka reer guuraaga ah ee abaartu aafaysey, waxase muuqata yididiilo isbedel cimilada ah oo ka muuqda cirka kadib markii maalinimadii shalay daruuro biyaysan soo keceen walow aan weli dhibic biyood ka dhicin.

Seynab Cabdi Warsame
Laascaanood, G. Sool