4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2016
Labo wasiir oo si la yaab leh ugu guuleystay doorasho aan laga sii warqabin oo ka dhacday magaalada Jowhar

Sabti, December,  10, 2016 (HOL) - Magaalada Jowhar ayaa subaxnimadii hore ee saakay lagu qabtay doorashada labo kursi  oo muran badan uu ka jiray, kaddib markii xubno ka tirsan guddiga doorashada heer dowlad goboleed hab qarsoodi ah oo aan laga sii warqabin u qabteen doorashadan oo mid ka mid ah uu ku soo baxay wasiir Max'ed Xassan Nuux oo guddiga doorashada dadban ee heer federaal ka joojiyeen in uu tartamo.

Wasiirka ayaa waxaa kursiga kula tartamay gabar lagu magacaabo Hinda C/llaahi Cumar, waxaana la sheegay in wasiir Nuux uu ku guuleystay 45 cod.

Waxaa siddoo kale kursiga beesha Carab Soomaali saakay loo doortay wasiir ku-xigeenka wasaarrada beeraha xukuumada hadda jirta C/siis Saalax Carmaan.

Doorashada kursiga beesha Carab Soomaaliya ayaa horay waxaa u qaadacay Ugaaska beesha oo ku eedeeyay maamulka Hirshabeelle iyo qaar ka mid ah guddiga doorashada heer dowlad gobolleed in ay qorteen ergooyin been abuur ah oo ay soo gudbiyeen shaqsiyaad danno gaar ah ka leh doorashada.


Wariye ku sugan magaalada Jowhar oo HOL la hadlay ayaa sheegay in dadka reer Jowhar siweyn ula yaabeen sidda boobsiiska ah ee loo farsameeyay labadan doorasho oo aan laga sii warqabin,  madaama horay wasiirka dhalinyarrada iyo cayaaraha qoraal ka soo baxay guddiga doorashada looga joojiyay in uu u tartamo xilka xubinnimada aqalka hoose, kaddib markii lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa iska horimaad ka dhacay magaalada Jowhar oo dad ay ku dhaawacmeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in doorashadan ka warqabeen mas'uuliyiinta maamulka Hirshabeelle oo qoraal maalintii shalay ay soo saareen xubno ka tirsan guddiga doorashada heer dowlad gobolleed lagu sheegay in maamulka uu ku cadaadinayo guddiga doorashada in ay diiwaan-galinayaan ergo aan aheyn kuwii saxda ahaa beesha.

Lama oga go'aanka ay guddiga doorashada heer federaal ka qaadan doonaan natiijada ka soo baxday labada doorasho oo ay ku guuleyseen labo wasiir oo ka tirsan xukuumadda hadda jirta, madaama horay mid ka mid ah xildhibaannadan la doortay laga joojiyay tartanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya