4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2016
Doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo dib uga bilaabaneysa magaalada Muqdisho


Sabti, December, 10, 2016 (HOL) - Waxaa lagu waddaa in maanta ay dib uga bilaabato magaalada Muqdisho doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo labadii cisho ee la soo dhaafay hakad ku jiray. kaddib go'aan ka soo baxay shirkii madasha-wadda-tashiga.

Doorahsada xubnaha aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo si gaabis ah ku soctay, ayaa todobaadyadii aynu soo dhaafnay la doortay ilaa lix xildhibaan, waxaana dhimin ilaa afartameeyo kale oo la filayo in todobaadyada soo socda la soo doorto.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah ay dib u bilaaban doonaan doorashooyinka, ayna rajeynayaan inay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gaba gabeeyaan.

Doorashada aqalka sare ee xubnaha gobollada Waqooyi ayaa dib loo dhigay, inta madaxda madasha wada-tashiga ay ka wadda hadlayaan khilaafka iyo muranka ka taagan xubnaha ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag oo ay dalbaneyso Puntland.

Ugu danbeyntiin, hogaamiyayaasha madasha-wadda-tashiga ayaa isku raacay in fadhiga ugu horeeya xildhibaannada cusub ee la soo doortay yeeshaan 15 bishan December, halka doorashada guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha la filayo in lagu soo gabagabeeyo 22-28 bishan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya