4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 10, 2016
K/galbeed oo ciidamo dheeraad ah u dirtay deegaanka Goofagaduud ee gobolka Baay


Sabti, December,  10, 2016 (HOL) -   Maamulka K/galbeed ayaa ciidamo dheeraad ah ku xoojiyay saldhigyada deegaanka Goofgaduud ee dulleedka magaalada Baydhabo oo dhawaan ay ka dhaceen dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Ciidammo booliis ah oo aad u hubeysan ayaa la geeyay deegaanka kuwaa oo qeyb ka noqonaya howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, gaar ahaan deegaanka Goofgaduud oo inta badan ay ka dhacaan dagaallada u dhaxeeya ciidamada dowladda ee maamulka K/galbeed iyo Al-shabaab.

Saraakiisha ciidammada militariga K/galbeed ayaa dhawaan warbaahinta u sheegay in ay dileen 10 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab kaddib weerar ay ku soo qaadeen saldhig ciidammadooda ay ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud.

Ciidammadan booliiska ah ee la geeyay halkaa ayaa lagula dardaarmay in ay shacabka soo dhaweysataan si markaa ay xog iyo macluumaad badan uga hellaan dhaq dhaqaaqda Al-shabaab, madaama shacabku yihiin kuwo ugu xog ogaalnimo badan ciidammada goobaha ay ku sugan yihiin iyo halka ay iska soo abaabulaan dagaalyahannada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya