4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 10, 2016
Maanta oo ah maalinta loo asteeyay xaquuqul insaanka caalamka

 

Sabti, Diseembar 10, 2016 (HOL)-Maanta oo taariikhdu tahay 10ka Diseembar ayaa waxaa caalamka oo dhan looga dabbaal dagayaa dadaalada xaquuqul insaanka ee caalamiga ah.

Maanta oo kale sanad walba ayaa waxaa loo asteeyay xaquuqul insaanka iyo in dib loo eego wixii tacaddiyo ah oo ka dhan ah iyo wixii dadaalo ah.

Dalka Kenya booliska ayaa hayadaha xaquul insaanka qaarkood sida hayada HAKI AFRIKA ay ku eedeeyeen dilal loo geystay dad rayid ah iyo eedeyn ah in boolisku ka dambeeyo dad la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigeen.

Booliska Kenya ayaa gaashaanka u daruuray arimahaa lagu eedeeyay oo sheegay inaysan wax lug ah ku lahayn dhibaatooyinkaas. Dawlada Kenya ayaa iyana dhowr jeer oo farta lagu goday hayadaheeda ammaanku inay ka dambeeyaan gaashaanka ku dhufutay oo sheegtay in ciidamadeedu aysan ka dambeyn.

Qowmiyado dhowr ah sida qowmiyada Soomaalida, bulshada muslimiinta ah ee Kenya ku nool iyo dadka gobolka Xeebta ee Kenya ayaa ka cawday dhowr jeer in tobanaan qof oo ka tirsanaa la waayay meel ay ka baxeen.

Gobolka waqooyi bari Kenya, cabashadu ma yara. Maanta ayaa ayadoo maalinta xaquuqul insaanka ay tahay waxaa lagu soo beegay xarig ka jaridda ama daah furida mashruuc cusub oo si qarash la'aan ah uga caawinaya Soomaalida dhanka arimaha sharciga.

Mashruucaa ayaa waxaa lagu wadaa in laga furo maanta xaafada Soomaalida badan ay ku nool yihiin ee Islii ee caasimada Kenya ee Nairobi.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]