4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 10, 2016
Yahya Jammeh oo mar kale diiday inuu xilka wareejiyo

 

Sabti, Diseembar 10, 2016 (HOL)-Madaxweynihii Gambia ee dhawaan qiray in doorashada looga adkaaday Yahye Jammeh ayaa diiday mar kale inuu xilka wareejiyo.

Dhawaan ayay ahayd markii uu qiray inuu aqbalay in doorashada looga adkaaday oo murashaxii mucaaradka Adama Barrow uu doorashada uga codad batay.

Shalay ayuu talefishinka qaranka ee Gambia ka sheegay inuusan xilka wareejinayn. Wuxuu kaloo sheegay in loo baahan yahay in doorashada lagu noqdo.

Dadka qaadaa dhiga siyaasada ayaa sheegaya inuu naftiisa iyo noloshiisa mustaqbalka u cabsaday in loo raacdeysto hadii uu xilka wareejiyo oo uu bannaan ku soo dhaco.

Sidoo kale ayaa la sheegay in markii horeba militariga dalkaasi ku qalqaaliyeen inuu aqbalo in doorashada loogaga adkaaday ee uusan asagu rabin inuu sidaa yeelo.

Teeda kale ayaa madaxweynahaa waxaa lagu eedeeyaa inuu tacadiyo badan geystay; maxaa run ah, maxaa been ah?

Yahye Jame ayaa dalkaa xilka madaxweynaha ku qabsaday afgambi sanadkii 1994.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]