4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2016
Jabhad Cusub oo Shaacisay in Daacad ay u yihiin Hogaamiyaha ururka ISIS Abu-bakar Al-Baqdadi


Sabti, Abriil 09, 2016 (HOL) — Koox cusub oo lagu magacaabo Jabha East Afrika ayaa ku dhawaaqay in daacad ay u yihiin Hoggaamiyaha kooxda ISIS, Sh. Abu-bakar Al-Baqdaadi, iyagoo war-saxaafadeed ay soo saareen ku xusay inay hogaamiyaha ISIS u aqoonsan yihiin hoggaamiyaha muslimiinta caalamka.

Jabhadan cusub ayaa waxaa la rumeysan yahay inay horay uga tirsanaayeen Al-shabaab oo qaybo badan oo Soomaaliya ka tirsan maamusha, waxaana Afhayeen u kooxdaan cusub uu sheegay inay Jabhadda ka tirsan yihiin; Dagaal-yahanno kasoo kala jeeda; Somalia, Kenya, Tanzania iyo Uganda, isagoo Al-shabaab dusha uga tuuray cambaareyn.

War-saxaafadeed ay soo dhigtay kooxdan baraha bulshadu iskula xiriirto ayay ku sheegeen in heshiis ama beeco ay la galeen kooxda ISIS, iyagoo intaas ku daray inay ka furi doonaan Bariga Afrika aag cusub oo dagaal, dagaalyahannadii doonanaya ay kusoo biiri karaan.

“Annagoo ah Jabha East Africa, Waxaanan ugu baaqaynaa Dagaal-yahannada ka tirsan Al-shabaab iyo kuwa kale, sida Al-Muhajiriin, Al-Hijra iyo Ansar Islaam in ay kasoo tagaan,” ayay bayaankooda ku sheegtay kooxdan cusub.

Sidoo kale, Waxay bayaankooda ku tiri Jabhaddan. “Dhamaan Mujaahidiinta Bariga Afrika waxaan u sheegaynaa in Al-shabaab ay noqotay xisbi. Innagu waxaanu la soo galnay beeco ama heshiis Khaliifka muslimiinta caalamka Sh. Abu-bakar Al-Baqdaadi, ayna xor u yihiin Mujaahidiinta Bariga Afrika inay haystaan Fursad aad u weyn oo ay Jabhadda ugu soo biiri karaan, si aan ula dagaalanno cadowga Alle.”

Dhanka kale, Jabhadan cusub oo waxay bayaankooda oo ay bartaha Twitter-ka soo dhigeen Jimcihii shalay ahayd, Waxayna Taageerayaashooda Gobolka Bariga Afrika ugu baaqay in ay kusoo biiraan. Iyagoo xusay inay hayaan balan-qaad cusub oo dhawaan ka hirgeli doona Gobolka Bariga Afrika.”

Ugu dambeyn, Bayaanka Jabhadan cusub ayaan lagu soo qaadin magaca hoggaamiyahooda iyo mas’uuliyiintooda kale, sidoo kalena laguma faahfaahin saldhigooda iyo dalka ay rasmi ahaan uga hawl-gali doonaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya