4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2016
Odayaal dhaqan & Waxgarad ku biiray shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Beledweyne (Sawirro)

Sabti, Abriil 09, 2016 (HOL) — Shirweynaha dib-u-hishiinta iyo Aayo-ka-tallinta Gobolka Hiiraan oo maalintii Toddobaad ka socda Magaalada Beledweyne, waxaana si is-daba-joog ah u soo gaaraya wafuud u badan odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha Somalia.

Garoonka diyaaradaha Beledweyne ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho, kuwaa oo u badnaa Ugaasyo, odayaal dhaqameed iyo waxgarad u yimid magaalada Beledweyne ka qeyb-galka shirka dib-u-hishiisiinta.

Ugaas Cismaan Ugaas Cilmi oo ah ugaaska beesha Ujeejeen oo hoggaaminayay odayaasha iyo waxgaradka maanta gaaray Beledweyne, oo hadal ka jeediyay shirka, ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Max'uud in Gogosha dhismaha maamulka labada gobol Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe loo soo wareejiyo magaalada Beledweyne.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif iyo qaar ka mid ah Duubabka-dhaqanka oo hadallo kooban ka jeediyay shirka, ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafuuda kusoo biiray Shirkaan, Waxaana dhinaca kalana ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka kale ee Soomaaliyeed in ay qeyb ka noqdaan shirweynaha dib-u-hishiisiinta ka soconaya magaalada Beledweyne.

Kulankan, ayaa waxaa sidoo kale maanta ka qayb-galay Wasiikii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo dhawaan soo gaaray magaalada Beledweyne.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo Beledweyne ka furay madashan dib-u-hishiisiinta, ayaa isna sheegay in muddo ku dhaw 26-sanno aan bulshada Soomaaliyeed Wax fursad ah loo siin in ay Wada-hadalaan kana Heshiiyaan khilaafaadii dhex-maray, Middaas beddelkeedana lagu Mashquulay sida uu hadalka u yiri dhismaha maamulo markii danbe laga dhaxlay dagaallo ay dadka ku dhinteen.

Ugu dambeyntii, Shir-weynaha ka socda magaalada Beledweyn, ayaa imanaya xilli uu weli uu Hakad ku jiro Shirka dhismaha Maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo ay ka qayb-galkiisa ku gacan-seyreen qaar ka mid ah duubabka-dhaqanka Gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya