4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2016
SAWIRRO: Wasiirka Howlaha Guud oo Hay'adda SSG Maanta ka Guddoomay Qalab kala duwan

Sabti, Abriil 09, 2016 (HOL) — Wasiirka Hawlaha Guud iyo Dib u dhiska Soomaaliya Inj. Saalax Sh. Cismaan ayaa maanta dhismaha wasaaradda oo intiisa badan lasoo Gunaanaday kaga Guddoomay qalab kala duwan Hay’adda - Strengthening Somali Governance SSG, oo caawisa Dowladda Somalia, kana shaqaysa dowlad-wanaagga.

Qalabka maanta ay guddoontay Wasaarada Hawlaha Guud ee Xukuumadda FS, ayaa isugu jiray kambiyuutarro Desk-top ah, kuwo Lap-top ah, qalabka wax lagu Daabaco ee Printers-ka, dhawr Photo-Copy iyo kaamirooyin, kuwaasoo hay’ada SSG ay sheegtay inay ugu talo-gashay in lagu dhaqaajiyo hawlaha wasaaradda.

Sarkaal ka socday ha’yadda SSG oo bixisay qalabka la guddoonsiiyey Wasaarada hawlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Somalia, ayaa xusay in ay Qalabkaan uu yahay mid ay ugu talo-galeen in lagu Horumariyo Hawlaha baaxada weyn leh ee ay Wasaaraddu u hayso bulshada Soomaaliyeed, isagoo Wasiirka ku amaanay sida ay ugu go’an tahay horumarinta Wasaaraddiisa.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Somalia, Inj. Saalax Sheekh Cusmaan oo isagana goobta ka hadlay ayaa uga mahad-celiyay mas’uuliyiinta hay’adda SSG, isagoo hoosta-ka-xariiqay in qalabkan loo keenay wasaarada uu kusoo beegmay xilli ay baahi weyn u qabeen qalab noocan oo kale ah.

“Inta badan shaqadii dhismaha wasaaradda waa lasoo gaba-gabaeeyay, waxaanan u mahad-celinayaa intii ka qayb-qaadatay dayactirka Wasaarada, anigoo rajeynaya in maalmaha soo socda uu Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud uu furo dhismaha Wasaarada hawlaha guud,” ayuu yiri wasiir Inj. Saalax.

Dhanka kale, Wasiirka iyo madaxdii ka socday hay’adda SSG waxay kormeerro ku mareen dhamaan qaybaha ay wasaaraddu ka kooban tahay, halkaasoo ay hawlo nadaafad ahayd ka wadeen Shaqaalaha Wasaaradda, kuwaas oo ku faraxsanaa in ay Dhismaha Wasaaradda ku shaqo billaabaan maalmaha soo socda.

Ugu dambeyn, Wasiirka Hawlaha Guud, Inj. Saalax ayaa ka Warbixiyey safar uu dhawaan ku tagay Talyaaniga, isagoo xusay inay Talyaanigu uu ka hir-gelinayo Somalia Mashaariic fara badan oo ugu horreeyo dhismaha Garoonka lagu cayaaro kubadda cagta oo casri ah uu ugu horreeyo, wuxuuna raaciyay in garoonkan la dhisayo uu la mid noqon doono kuwa ugu waa-weyn caalamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya