4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2016
Al-shabaab oo Maanta dib u Qabsatay Degmada AADAN YABAAL ee Gobolka Shabeellada Dhexe


Sabti, Abriil 09, 2016 (HOL) — Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta dib u Qabsaday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, kaddib markii ay ciidankii Itoobiya ee AMISOM iyo kuwii Somalia oo Arbacadii la soo dhaafay Al-shabaab kala la Wareegay degmadaas ay isaga baxeen.

Ciidankii  Itoobiya ee AMISOM ayay wararku sheegayaa inay dib ugu laabteen deegaanka Moqokori ee Gobolka Hiiraan oo ay markii hore ka yimaadeen, Balse lama oga illaa hadda sababta ka dambeysay in ay isaga baxaan Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Sidoo kale, Xoogaga Al-shabaab ayaa maanta mar kale gudaha u galay degmadaas, kaddib markii saddex maalmood ay dibadda ka joogeen, iyadoo la Wareegistooda ay ahayd mid si nabad ah ku dhacday, sida ay sheegeen shacabka magaaladaas ku nool.

“Xalaadda Aadan Yabaal way degen tahay xilligan, ciidankii Itoobiya iyo kuwii dowladda Somalia ee maalmo ka hor soo galay way isaga baxeen, Waxaana haatan ku sugan xoogag ka tirsan Al-shabaab,” ayuu mid shacabka ku nool degmadaas ka mid ah oo warbaahinta la hadlay.

Goob-joogahan ayaa xusay in Degmadu ay tahay mid faaruq ah, iyadoo shacabkeedii horay uga Barakaceen, isagoo intaas raaciyay in Xoogagga Al-shabaab ay haatan ku sugan yihiin goobihii ay horay ugu sugnaayeen.

Dhanka kale, Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah kuwa AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ayaa waxay horay uga hawlgalayeen gobolada dhexe ee Soomaaliya, inkastoo aan la ogeyn sababta keentay inay soo gaaraan gobolka Shabeellada Dhexe.

Taliska AMISOM iyo Dowladda Federaalka Somalia, ayaan weli ka hadlin ka bixintaanka ay ka baxeen degmada Aadan Yabaal ciidamadoodii huwanta ahaa, iyadoo aysan noqonayn Aadan Yabaal degmadii ugu horreysay oo ay Ciidanka AMISOM iyo kuwa DF Somalia ay ka baxaan oo ay dib ula wareegto Al-shabaab.

Ugu dambeyn, Wararka ka imaanaya Deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan oo qiyaastii 36-km u jirta Aadan Yabaal ayaa sheegaya in Ciidamadii Itoobiya ee AMISOM ay dib ugu laabteen deegaankaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya