4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2016
Nin la Tuhmay inuu Soomaali yahay oo ku dilay dalka Koonfur Afrika Xaaskiisii iyo Carruurtiisii


Sabti, Abriil 09, 2016 (HOL) — Nin lagu sheegay inu Soomaali yahay ayaa lagu tuhmayaa in Xaaskiisii iyo Saddex Carruur ah oo ay u dhashay uu ku dilay Deegaanka Tsakane ee ku taalla dulleedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Falkaan, ayaa yimid kaddib markii qoysaskii dariska la ahaa qoyskaan ay maalmo waayeen inay arkaan xubnaha qoyska, sidoo kale baariaano ku sameeyay oo ay ka heleen maydadka hooyada oo 32-jir ahayd iyo sadexda caruurta ah ee ay dhashay oo ay da’dooda la sheegay inay ka yarayd 12-jirro, sida uu qoray wareyska Daily Sun oo kasoo baxa Johannesburg.

Wargeyskaan, ayaa qoray in falkaan lagu tuhmayo inuu geystay Aabbe Somalia ah, kaasoo baxsaday markii uu dilka qoyskiisa geystay, iyadoo falku uu dhacay habeenniadii Isniintii lasoo dhaafay ee toddobaadkii hore.

Sidoo kale, Warbixinta Wargeyska ayaa lagu xusay in booliiska Koonfur Afrika weli aysan war kasoo saarin dhacdadaan, inkastoo ay sheegeen in ay baaritaano arrintan ku saabsan ay wadaan, si ay u ogaadaan sida ay dilalkan u dhaceen iyo sababtii ka dambeysay.

Ugu dambeyn, Horjoogayaasha Jaaliyadaha Somalida ee dalka Koonfur afrika ayaa falkaan ka muujiyeen argagax, Waxayna sheegeen in Ninka - xaaskiisa iyo caruurtiisa laayay uu ka soo jeedo Qowmiyadda Oromada ee Dalka Itoobiya, Laakiin uu Koonfur Afrika ku joogay inay dhalashadiisu tahay Soomaali Qaxooti ah.

Cumar Muxumad Kiyoow
[email protected]
Johannesburg, Koonfur Afrika