4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2016
Bulshada Galmudug oo ku biiray dibad-baxyada looga Hor-jeedo Monitoring Group (SAWIRRO)

Sabti, Abriil 09, 2016 (HOL) — Shacabka Galmudug ayaa ku biiray dibad-baxyada dhanka ka ah kooxda QM ee la socodka cunno-qabteynta hubka Somalia iyo Eritrea, kuwasoo lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa waxaa shalay ka dhacay kulan ka dhan ah kooxda Monitoring Group, kaasoo ay ka qaybgaleen shacab badan, iyadoo looga dalbaday Xukuumadda Federaalka Somalia, inay tallaabo ka dhan ah kooxda qaado, taasoo ku aadan warbixinnada been-abuurka ah ee ay ka faafinayaan dalka.

“Waan sii wadaynaa Dibad-baxyada ka dhanka ah kooxda Monitoring Group illaa inta uu Golaha Amaakna ee QM ay wax ka qabanayaan cabashadeenna. Dhanka kalena dowladda Federaalka Sonalia, waxaan doonaynaa inay wax ka qabato xad-gudubyada is-daba-joogga ah ee ay kooxdaani geysanayso. Waayo inta badan Warbixinada ay Somalia ka qoraan waa kuwo aan sal iyo raad lahayn,” ayay tiri Xaliimo Jaamac Cilmi oo Haweenka Galmudug ka mid ah.

Iyadoo sii hadlaysay ayay mar kale tiri. “Shacabka gobolkan way sii wadi doonaan inay si cad u muujiyaan cabashooyinkooda ku aadan kooxda qawlaysatada ah, kuwaasoo eedeymo been abuur ah ay horay uga sheegay shaqsiyaad Soomaaliyeed, haatanna doonaya inay hor-istaagaan horumarka dalka.”

Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu horrreysay oo isku-soo-baxyo noocan oo kale ah ay ka dhacaan dalka, iyadoo dhawaan uu dibadbax noocan oo kale ah looga soo horjeedo kooxda Monitoring Group uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

HADDABA, Halkaan Kasoo ROGO Warbixintan oo ku Qoran Luuqadda Ingiriiska;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya