4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2016
Maxkamadda Ciidamada oo Xukun dil Toogasho ah ku Fulisay Raggii fuliyay dilkii Wariye Hindiya


Sabti, Abriil 09, 2016 (HOL) — Maxkamada ciidamada qalabka sida ee DF Somalia, ayaa saakay dili Toogasho ah ku fulisay Raggii ka dambeeyay dilkii Hindiya Xaaji Maxamed oo ahayd wariye u shaqeynaysay Radio Muqdisho oo qarax lagu dilay December, 2015-kii.

Xasan Nuur Cali Faarax iyo C/risaaq Maxamed Barrow oo Maxkamadaha ciidamadu ay ku Xukumeen Dilal Toogasho ah, ayaa lagu toogtay saaka barxadda dugsiga booliiska, iyadoo toogashadan ay fuliyeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia.

C/risaaq Barroow ayaa qirtay inuu isagu qaraxa gaariga ugu xiray marxuumadda dhimatay, waxayna maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah, iyadoo Xasan Nuur Cali Faarax oo horay xabsi loogu xukumay, markii dambe xukunkiisa loo bedelay dil Toogasho.

Toogashada maanta lagu fuliyay labada ruux ee lagu eedeeyay inay dileen Wariye Hindiya ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaan maxkamadda sare CQS ay xukun dil ah ku ridday Xasan Xanafi Xaaji C/salaan oo ku eedeysan dilal uu u geystay wariyeyaal Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya