4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 9 , 2016
Madaxweyne Geelle oo ku guuleystay natiijadii cod-bixinta doorashadii Madaxweynenimo ee Jabuuti


Sabti, Abriil 09, 2016 (HOL) — Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku guuleystay natiijada cod-bixinta doorashadii madaxweynaha Jabuuti ee shalay ka dhacay guud ahaan Waddanka Jabuut.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamayay - illaa lix musharax oo ka kala tartamayay xisbiga mucaaradka Jabuuti ee USN oo ay doorashada isku soo taageen shan musharax iyo xisbiga Aqlabiyadda ee UMP uu musharax ka ahaa madaxweyne Geelle.

Cod-bixintii ka dhacdey Jabuuti, ayaa Madaxweyne Geelle wuxuu ku guuleystay 86.68% codadkii doorashada, halka Cumar Cilmi Kheyr uu heley 7.32.% , Maxamed Muuse Tuur-tuur ayaa helay 1.53% , Ibraahim Idirs ayaa helay 1.39%, Jaamac C/raxmaan Candhoole uu helay 0.74% iyo weliba Maxamed Shixim Daa’uud 02.28% ka helay codadkii la dhiibtay.

Sidoo kale, cod-bixinta doorashada ayaa lasoo Gaba-gabeeyay 6:00 Galabnimo ee Shalay. Iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed uu ku dhawaaqay Natiijada Doorashadaan Madaxweynaha oo si weyn loo sugayay.

Guusha doorashadan uu ka gaaray Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa si weyn horay loogu saadaalinayay, marka loo eego ololahii doorashada Jabuuti ka socday 14-kii maalmood ee lasoo dhaafay.

Doorashadan uu ku guuleystay Madaxweyne Geelle ayaa intii ay socotay waxaa goob-joog ka ahaa Kormeerayaal Caalami ah, kuwaasoo ka kala socday; Midowga Afrika, Jaamacada Carabta, Midowga Yusub iyo Wakiilo ka socday Waddamada Caalamka si doorashadan ay goob-joog uga ahaadaan.

Ugu dambeynrii, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa lagu wadaa inay Maxkamada Dastuuriga Qaranka Jabuuti si sax ah u ugu dhawaaqdo guusha Doorashada Geelle. Iyadoo Ismaaciil Geelle uu shanta sano ee soo socota hoggaamin doono dalka Jabuuti.

C/qaadir Muuse Maxamuud
[email protected]
Magaalada Jabuuti, Jabuuti