4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 8 , 2016
Turkiga iyo Israel oo Heshiis ka gaaray Khilaaf Siyaasadeed Muddo Sanado ah soo Jiitamayay


Jimco, Abriil 08, 2016 (HOL) — Turkiga ayaa sheegtay Maanta in la dhameeyay khilaafkii iyada iyo Israa’iil sanadaha ah u dhexeeyay, kaddib Wadahadallo ku dhexmaray magaalada London ee xarunta dalka Britain.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa maanta shaacisay in lasoo af-jaray murankii siyaasadeed ee Turkiga kala dhexeeyay Israa’iil, ayna labadoodu gaareen heshiis rasmi ah oo murankaas lagu dhameynayo.

Khilaafka u dhexeeyay Turkiga iyo Israa’iil ayaa ka billowday markii Ciidammada Israa’iil ay toogasho ku dileen sanadkii 2010-kii shaqaale gargaar oo Turki ah oo la socday Markab gargaar u waday magaalada Gaza oo ay dagaallo ka socdeen; iyadoo Turkiga laga dilay 10-ruux.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Washington ka sheegay toddobaadkii hore inuu rajeynayo in wadahadallada u dhexeeya iyaga iyo Israa'iil ay ka soo bixi doonaan natiijooyin wax ku ool ah, isagoo Mareykanka kula kulmay ururrada Yuhuudda ee Dalkaas ku nool.

Wadahadallada Turkiga iyo Israa’iil ayaa yimid - kaddib sannado uu ka dhexeysay khliaaf adag, waxaana ugu dambeyntii dhinacyadan wadahadallada yeeshay ay heshiis is Af-garad ka gaareen khilaafkaas Jimcaha maanta ah.

“Ergooyinka labada dhinac waxay sameeyeen horumar weyn oo lagu soo af-jaray murankii mudda dheer u dhexeeyay labada Dowladood iyo Mad-madowgii ku dhex-jiray labada Dal. balse waxaa jira kulan kale oo dhawaan dhici doona,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Turkiga bayaan ay maanta soo saartay.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil oo heshiiskaan wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday inay ka bixiso wax faahfaahin ah. Waxaana wadahadalladii London ka dhacay Israa’iil uga Qayb-galay, Joseph Ciechanover oo ah la taliyaha RW Israa’iil, halka Turkiga uu uga qayb-galay Feridun Sinirlioglu oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

“Horumar ballaaran ayaa la sameeyay,” ayuu yiri RW dalka Turkiga, Ahmet Davutoglu oo wareysi siinayay warbaahinta Turkiga, isagoo intaa ku daray. Waxaan filaynaa inaan guulo ka gaari doonno wadahadallada.

Ugu dambeyn, Heshiiskan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo israa’iil ay sannadkii 2013-kii ay dowladda Turkiga ka raali-gelisay falkii dhacay, ayna dalbatay in dib loosoo celiyo xiriirkii ka dhexeeyay. Inkastoo Dowladda Turkigu ay uga dhigtay shuruud soo celinta xiriirka inay Israa’iil mag-dhaw ka bixiso dhibbanayaashii ay ciidanka Israa’iil toogteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya