4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2016
Madaxweynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga [Sawirro]
Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) —


Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) —Wafdi uu hogaaminayo madaxweeynaha maamulka Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Madaxweeynaha Galmudug ayaa markii uu ka dagay garoonka Wiilwaal, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweeynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Max’ed Cumar iyo Madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam oo isagu hore ugu sugnaa halkaasi.

Madaxweeynaha Galmudug ayaa imaatinkiisa kadib loo gelbiyay guriga martida ee Qaryaan Dhoodaan, halkaasoo kulamo ay saxaafaddu dibad-joog ka ahayd kula qaatay madaxweeynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Max’ed Cumar.

Lama garanayo ujeedooyinka dhabta ah ee ka danbeeya safarka madaxweeynaha Galmudug, haseyeeshee warar hoose oo shabakadda HOL heleeyso ayaa tibaaxaya in arintan ay qeyb ka tahay dadaallo la doonayo in xal looga gaaro xiisado mudooyinkii u danbeeyay ka taagnaa deegaano ku yaal soohdinta ay Itoobiya la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan soohdinta u dhexeeysa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo maamulka Galmudug.

Itoobiya oo ay dalka Soomaaliya ka joogaan ciidamo qeyb ka ah kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa mudooyinkii u danbeeyay casuumad u fidineeysay madaxda Soomaaliya, ayagoo kala hadlayay arimo quseeya siyaasadda dalka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.