4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2016
Xildhibaanada ka maqnaada shirarka kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka FS oo Digniin loo diray


Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan [Jawaari] ayaa xildhibaannada aan soo xaadirin kal-fadhigan Sideedaad uusan ka mid noqon doonin xildhibaannada baarlamaanka cusub ee lasoo dhisi doono, isla markaana ay u aqoosan doonaan xlidhibaan gudan waayay waajibaadkii Qaran ee la saaray.

Afhayeenka Golaha Shacabka Somalia ayaa sheegay inay jiraan xildhibaanno badan oo aan soo xaadirin kulamada kal-fadhigan sideedaad ee baarlamanka, isagoo xusay inuu u dirayo digniin xildhibaannada maqan, taasoo ah inaanu kusoo laaban doonin golaha baarlamaanka cusub.

“Waxaa jirta xildhibaano noo diiwaan-gashan oo maqnaashahoodu bateen. sidaa daraadeed xildhibaankii ka maqnaada kal-fadhigaan sideedaad, guddoon ahaan waxaa goosanay inaan arritiisa u gudbino duubabkii soo xulay iyo guddiga doorashooyinka si ay uga fiirsadaan oo aan Afar sano oo kale loo cusbooneysiin,” ayuu yiri Jawaari oo maanta ka hadlayay Shirkii baarlamaanka ee RW Somalia uu hor-geeyay Hanaanka Guud ee Doorashooyinka Somalia ka dhici doonta sannadkaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ugu baaqay xildhibaannada inay soo wada-galaan, maadaama laga doodayo Aayaha Waddanka, Wuxuuna ku celiyay in Xildhibaankii aan soo xaadirin kulammada soo socda loo aqoonsan doono Xildhibaan Waajibkiisa Qaran gudan waayay.

Prof. Jawaari, ayaa dhawaan joojiyay Safarrada Xildhibaanada ay dibadda dalka ugu amba-baxaan, kaddib markii ay bateen xildhibaanada safarrada isaga maqan ee aan kal-fadhiyada baarlamaanka imaan.

Ugu dambeyn, Shirarkii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka Soomaaliya uu yeelanayay ayaa waxaa aad u yareyd tirada xildhibaannada soo xaadira, iyadoo kal-fadhigan sideedaadna uu yahay kii ugu dambeeyay ee ay yeelanayaan Xildhibaannada Baarlamaanka hadda jira.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya