4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2016
Dabaq Dumay, Dad Kudhintay Caasimada Nairobi

Madaxweynaha Kenya Uhuru, mar uu booqanayay gurigii dumay


Sebti, Abriil 30, 2016 (HOL)-Ilaa iyo haatan inta la xiqiijiyay dhowr qof ayaa ku dhintay dhisme maanta dumay caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Dhismahaas oo kuyaalay xaafada Huruma ee dhanka bari ee Nairobi ayaa waxaa shaqaalaha gurmadku ilaa haatan ay ka daad gureeyeen 120 qof waxaana la rumeysan yahay in dad kale ay burburka ku hoos jiraan.

Roobab mahiigaan ah yaa dhawaan ka da'aaya Nairobi iyo qeybo badan oo Kenya ah. Roobka ayaa la sheegay in gurigaa oo aan adkeyn uu wax usii dhimay kasoo da'aayay shalay, xalay ilaa saaka. Darraad ayaa waxaa gawaariley badan ay gawaaridoodii jidadka Nairobi ugaga tageen kadib markii daadad ay lasocon waayeen.

Dad badan oo ku noolaa gurigaa dumay ayaa iyana ay haatan heysataa hoy la'aan sida laga soo xigtay Laan Kheyrta Cas ee Kenya ama Kenya Red Cross.

Maahan markii ugu horeysay ee guryo dumay ay dadi ku dhintaan caasimada Nairobi iyo qeybo kale oo katirsan Kenya. Guryo badan oo kale ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay inta ay dumeen dad badani ku naf waayeen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ama ku curyaameen.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Nairobi, Kenya.