4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2016
Ergay Soomaaliyeed: Shaqo Abuur Ha La Sameeyo Waxna Halaga Qabto Caddaalad Darrooyinka Ijtimaaciga Si Argagixisonimada Looga Hortago

 

 

Sebti, Abriil 30, 2016 (HOL)-Haweeneyda ah Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan arimaha carruurta, Maryam Yaassiin ayaa sheegtay in dadka Kenyanka ah ay shaqooyin u doontaan Soomaaliya dabadeedna lagu soo jiido inay fuliyaan hawlo argagixisonimo.

 

Sidaa daraadeed waxay sheegaty in loo baahan yahay in shaqooyin Kenya gudaheeda looga abuuro si looga horjoogsado arintaas.

 

"Waa inaan dhallinyarada shaqooyin u abuurno' ayay tiri Maryam Yaassiin. In wax laga qabto caddaalad darrooyinkii jiray iyo in shaqooyin loo abuuro dadka ayumbaa ah sida kaliya ee looga hortagi karo xag jirnimada ayay tiri Maryam mar ay ka hadleysay degmada Kwale ee gobolka xeebta ee Kenya.

 

Waxay intaa ku dartay in xagjirnimadu tahay dhabaato kuwajahan bulshooyinka kala duwan ee dalalka gobolka iyo caalamka oo idil isla markaana ay tahay in laiska kaashado sidii wax looga qaban lahaa.

 

Maryam ayaa ka qeybgalaysay markii ay khudbadaa jeedinaysay siminaar labo maalmood ah oo ay soo qabanqaabisay hayada Human Rights Agenda  kaasoo ay kasooqeyb galeen 100 qof oo kakala yimid daafaha caalamka.

 

Xafiiska Wararka ee HOL
Nairobi, Kenya.