4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 30, 2016
Dad kasoo laabtay Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Waddanka Kenya oo soo Gaaray Soomaaliya


Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) — Ku Dhawaad 80 ruux oo Soomaali Qoxooti ku ahaa Dalka Kenya gaar ahaan xirada qaxootiga ee dhadhaab ayaa ku soo laabtay wadanka soomaaliga gaar ahaan magaaladda kismaayo ee xarunta u ah maamulka Jubbaland.

Dadka deegaanka iyo maamulka ayaa ku soo dhaweeyay magaaladda kismaayo soomaalida ka soo laabatay Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab halkaasoo muddo dhowr sannadood ah ay deegaameysanayeen, dadka soo noqday ayaa u badan qoysas soomaali ah oo is kooda ah u go’aan saday in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo, magaalada Kismaayo ayaa dhowr mar sidan oo kale ay u soo gaareen soomaali xeradaasi ka soo guurtay.

Liibaan C/llaahi Biixi oo ah gudoomiye ku xigeenka gobolka jubbada-hoose ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin dadka ku soo laabtay Wadankooda ee ka yimid Kenya wuxuu yiri; “Waa muhiim in ay la midoobaan walaalahooda Sababtoo ah ruux kasta dalkiisa ayuu wax ku yahay ,waan soo dhaweyneynaa maamul ahaan.”

Horay ayay Dowladda soomaaliya ,Dowladda Kenya iyo hey’adda Qaramadda Midoobe u qaabilsan qaxootiga u gaareen hishiis saddex geesood ah ku saaban in si aanan qasab ku jirin loo celiyo soomaalida qaxootiga ku ah dalka Kenya gaar ahaan kuwa xeryaha ku jira, tan iyo hishiiskaasi soomaali badan ayaa wadanka ku soo laabtay, kuwaasi oo ka yimid wadanka Kenya.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya