4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2016
Madaxweynaha Somaliland oo xilkii ka qaaday Wasiirkii Boostada iyo Taliyihii Ciidanka Badda


Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii wasaaradda Boosta iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, iyo Taliyihii ciidanka Badda Somaliland Jen. Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax).

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

Waxaana intaas lagu daray “Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Garaad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.”

Sidoo kale, xil ka qaadista taliyaha ciidanka Badda Xiirane ayaa isna qoraalkaasi lagu yidhi sidan “Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.”.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland