4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2016
RW Sharma'arke oo Baarlamaanka la Hor-tagaya Maanta Qorshaha Doorashooyinka Qaranka


Sabti, Abriil 30, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa Maanta lagu wadaa in uu hor-tago baarlamaanka soomaaliya waxa uu ka hor-sheegayaa Qorshaha Doorashooyinka Qaranka ee dhacaya dhammaadka Sanadkan Aynu ku jirno ee 2016.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan [Jawaari] ayaa kulankii ugu dambeeyay ee xildhibaanadda baarlamaanka ku qaateen xarunta golaha shacabka ka sheegay .waxa uu yiri Gudoonka Baarlamaanka Somalia Jawaari waxaan xildhibaannada baarlamaanka soomaaliya ku wargelinayaa in maalinta Sabtiga ah oo maanta ku beegan uu Ra’isalwasaaraha codsaday in uu hore-yimaado, Baarlamaanka si uu Xildhibaannada ugu gudbiyo Qorshaha doorashooyinka Qaran.

Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari ayaa ka codsaday Xildhibaannada in ay soo xaadiraan kulanka Baarlamaanka,maaddaama waxa laga hadlayo ay yihiin Mustaqbalka Waddanka, Xildhibaannaduna looga baahan yahay in ay halkaasi goobjoog ka noqdaan.

Ugu dambeyn, 20-kii Abriil ayay ahayd markii lagu ballansanaa in Qorshaha Qaranka ee doorashooyinka la hore geeyo baarlamaanka soomaaliya balse ma aysan suuro-galin waxaa la wada sugayaa sida uu ra’isul wasaaraha soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid baarlamaanka ugu gudbiyo Qorshaha qaran ee doorashadda lagu saleynayo maadama uu hogaan u yahay golaha fulinta ee dalka.

Nasriin Maxamed Ibraahim
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya