4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 29, 2016
CIRRO: Waanu soo Dhaweynayaa inay xilligii loo Qorsheeyay Somaliland uga Dhacdo Doorashada


Jimco, Abriil 29, 2016 (HOL) — Xisbiga Mucaaradka WADDANI ee Somaliland ayaa soo dhaweeyay Hadalkii Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo - ee ahaa inay ka go’an tahay in doorashada Somaliland ay ku dhacdo xilligeeda oo ah horaanta Sanadka soo socda ee 2017-ka.

Guddoomiyaha WADDANI, ahna Guddoomiyaha golaha wakiillada, C/raxmaan Maxamed C/llaahi [Cirro] oo booqasho ku jooga Mareykanka una warramayay BBC-da ayaa ka digay wax walba oo carqalad ku keeni kara Doorashooyinka Somaliland ka dhici doona.

“Waxaanu soo Dhaweynaynaa hadalladii Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ee uu shalay ku sheegay in doorashadu ay ku dhici doonto wakhtigeedii, Waxaanan sheegayaa inaanu jirin ciriir waqti oo doorashada ku aadan,” ayuu hadalkiisa ku yiri C/raxmaan Cirro.

Sidoo kale, Wuxuu xusay in ay mar hore Golayaasha Wakiilada, Axsaabta Mucaaradku iyo xukuumadda Somaliland ay isugu waafaqeen in doorashadu dhacdo Sanadka 2017-ka nagu soo foolka leh, haatanna ay ku kalsoon yihiin in doorashadu ay xilligaas dhacdo.

Mar la weydiiyay C/raxmaan Cirro inay diidanayeen in diiwaan-gelinta cod-bixinta dib loo dhigo sababo Abaaraha ku saabsan, Marka hadda sow ma moodin in sidii ay Xukuumaddu u sheegaysay ay arrimuhu ku socdaan, ayuu kaga jawaabay.

“Cidi ma dafiri karayso in Somaliland ay abaaro ka jireen… balse gobolka Awdal oo ah kii ugu darnaa marka abaaraha la eego, laga qabtay diiwaan-gelinta iyadoo abaaruhu ay jireen, Laakiinse wixii la isku-haystay ay ahayd Hargeysa oo aanay xilligaas aysan ka jirin abaaro, dadkuna taas ayuu diidanaa, balse haddii la joojin lahaa markii ay gobolka Awdal abaaruhu ka jireen, shacabku wuu ku qanci lahaa.”

Dhanka kale, C/raxmaan Cirro ayaa mar kale la weydiiyay inay ku qanacsan yihiin hadalka Madaxweyne Siilaanyo, Wuxuuna kaga Jawaabay. “Madaxweynaha iyo Wakiilladuba way mahadsan yihiin. Laakiinse waxaan doonaynaa in sida Madaxweynuhu ku dhawaaqay inay ugu dhabowdo.”

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa wuxuu ka hadlay Safarkiisa Mareykanka, Wuxuuna Sheegay in uu yahay mid ay Taageero ugu Raadinayaan Somaliland, isagoo xusay in uu la Kulmay Mas’uuliyiinta Afrika u Qaabilsan Mareykanka, uuna Qorsheynayo inuu dhawaan la kulmo Xildhibaannada Mareykanka, si uu ugala Hadlo Arrimaha Somaliland.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya