4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 29, 2016
Shirkada Apple oo shaacisay inuu hoos u dhacay iibsiga taleefanka casriga ah ee IPhone (Sawirro)

Jimco, Abriil 29, 2016 (HOL) — Shirkadda sameysa taleefoonada ee ugu faa’iidada badan Caalamka ayaa waxaa hoos u dhac uu ku yimid Qiimaheeda Toddobaadkan, kaddib markii Shirkadda Apple ay shaacisay hoos u dhacii ugu horreeyay ee ku yimid iibsiga taleefoonka iPhone mudda 13-sano ah.

Warbixin ay soo saartay Apple ayaa lagu sheegay in sannadba sannadkii uu ka dambeeyay uu hoos u dhacayay iibsiga Taleefoonnadeeda, iyadoo warbixinta lagu xusay in bilihii ugu dambeeyay ee sannadkan la iibsaday uu hoos u dhacay iibsiga taleefoonka IPhone dhaqaale lagu qiyaasay 51,19 Milyan oo Doollar, halka sannadkii hore uu qiimaha iibsigiisu ahaa 61, 17 Milyan oo Doollar.

Madaxa guud ee Shirkadda Apple, Tim Cook ayaa Dhaqaale-xumidan u sababeeyay hoos u dhaca ku yimid iibsiga taleefoonnada IPhone ee Waddanka Shiinaha, balse dadka taxliilaya dhaqaalaha ayaa sheegay inay jiraan sababo kale oo ay ka mid yihiin Suuqa Taleefoonnada uu sii buuxsamaya iyo Apple oo aan wax aalado cusub ah soo shaac bixin.

Sidoo kale, In ka badan 2-bilyan oo qof oo caalamka ku nool ayaa isitmcaalka taleefoonada loo yaqaan Smartphone-ka, isla markaana mid ka mid ah shantii xabo, ayaa ah IPhone.

Ross Rubin oo taxliiliaya arrimaha dhaqaalaha, ayaa VOA u sheegay in Apple ay dhibbane u noqotay guusheeda. Isagoo yiri. “Shirkadda Apple waxay ku loollantaa suuq dhaqaale oo aad u Xooggan sida Mareykanka, Japan iyo Galbeedka Yurub, iyadoo meelahaas ay kusoo badanayaan Taleefoonno kale.”

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya