4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
SAWIRRO: Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia oo la kulmay Dhigiisa Dalka Imaaraadka Carabta

Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Cumar Hadliye oo booqsho ku joogay Maalmahaan waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa la Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carbta, Sheikh Abadalla Bin Zayid Al Nahyan.

Intuu kulanku socday waxay labada wasiir ka hadleen xaalada siyaasadeed  ee Soomaaliya, Horumarka ay Sameeysay, Xiriika soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga waddamadooda u dhexeeya.

Sidoo kale, Kulunkan oo ka dhacay caasimada dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Abu dhabi , gaar ahaan xarunta dhaxe ee wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa danjiraha  Somalia u fadhiya dalka Imaaraadka, C/qaadir Sheekhey Maxamed Al- Hatimi oo door muhiim ah ka qaaaey xoojinta xiriika labada waddan.

Wasiir Hadliye ayaa ugu mahad-celiyay shacabka iyo Dowladda dalka Imaaraadka Carabta mashaariicda ay ka fulinayaan Somalia iyo kaalmadda Bani’aadamnimo ee ay mar walba la garab-taagan yihiin shacabka iyo Xukuumadda Somalia, gaar ahaan Wuxuu mahad gaar ah u jeediyay madaxweynaha Imaaraadka Carabta,  Sheikh Khalifa Bin Zayid  AL Nahyan, ku xigeenkiisa ahna  RW Imaaraadka Carabta Isla markaasina ah xaakimka Imaaraadka Dubai iyo Dhaxal-sugaha  Abu Dhabi, ahna ku-xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya