4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
Afrika oo Kafakareysa Hawlgalka AMISOM Kadib 9 Sano oo Hawlgalkaasi uu Socday

 

Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL)-Sida laga soo xigtay faalo lagu qoray barta wararka ee Anadolu Agency ee fadhigeedu yahay dalka Turkey ayaa sheegtay hawlgalka AMISOM oo loogu tala galay inuu qaato lix (6) bilood oo qura yaa haatan ku dhow muddo toban (10) sano ah.

Waqtigaas oo haatan gaaraya 9 sano kadib markii ciidamada Afrikaanka ah ay galeen Soomaaliya ayaa waxaa naftooda kuwaayay ciidamo badan oo ka kala yimi dalal badan oo Afrikaan ah ayagoo la dagaalamaya kooxda Al-shabaab.

Machadka Daraasaadka Nabadda Caalamiga ah ee Stockholm International Peace Research Institute ayaa ku qiyaasay in AMISOM ay in kabadan 1,100 askari uga dhinteen Soomaaliya intii u dhexeysay 2009 ilaa  2014.

Arintaas ayaa keentay in dalal badan oo ciidamo u soo diray Soomaaliya ay su'aal iska weydiiyaan istaraatiijiyada dagaalka Soomaaliya ay ku wajahayaan. Dadka diblomaasiyada qaadaa dhiga ayaa sheegaya in arinta Soomaaliya aan lagu xallin karin cudud militari oo qura.

Kooxda Al-shabaab ayaan Soomaaliya oo qura weeraro ka geysan balse dalalka dariska ah sidoo kale gaar ahaan Kenya oo muddo dhowr sano ah weeraro ay kooxdu kusoo qaadeysay.

Qore: Aaden M Warsame

[email protected]