4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 28, 2016
Turkiga oo sheegay in uu mashruuc guryo lagu dhisayo ka hir galinayo Muqdisho

 

 

 

 

 

Khamiis, Abriil 28, 2016 (HOL)-Masuuliyiinta Dawlada turkiga ayaa shaaca ka qaaday in ay magaalada Muqdisho ee caasimadda u ah dalka Soomaaliya ka hir galin doonaan mashruuc lagu dhisayo guryo fara badan.

 

Ilaa 10 kun oo guri oo loogu tala galay in ay dagaan dadka danyarta ah ayaa lagu wadaa in wajiyada hore ee mashruucaan lagu dhiso, sida ay sheegtay xukuumadda Ankara.

 

Cali Kaamil Aydin oo ah ku xigeenka kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay magaalada Muqdisho ka dhisi doonto guryahaasi 10-ka kun gaaraya, si ay uga faa’ideystaan dadka duruufeysan ee aan heysanin hoy fiican.

 

Sarkaalkan ayaa ka dhawaajiyay in sidoo kale mashruucaan uu kaalin muuqda ka qaadanayo bilicda iyo horumarka dhinaca dhismaha ee caasimadda  Muqdisho.

 

25-kii bishaan Abriil ayey ahayd markii uu madaxweynaha Turkiga Racep Tayib Erdogan uu sheegay in ay qorshaha ugu jirto dhismaha in ka badan 10 kun oo guri oo ay u dhisayaan dadka saboolka ah ee aan awoodin in ay hoy fiican helaan.

 

Dowladda Turkiga ayaa horay mashaariic kala duwan oo dhinaca hormarka ah uga fulisay wadanka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo ay halkaasina ku sugan yihiin howl wadeenno badan oo ka socda dalkaasi Turkiga. 

 

Qore: Aaden M Warsame

[email protected]